Mashruucii u weynaa ee tijaabada u ahaa Xukuumadda Cabdiweli Gaas oo fashil ku dhamaadey?

Published: August 13, 2018

Waddada isku xirta magaalooyinka Garoowe iyo Gaalkacyo ayaa gebi ahaanba burburtey, waxaana ay dhibaato xoog badan ku haysaa gadiidka iyo dadka rakaabka ah. Waddadan ayaa halbowle u ah dhaqaalaha Puntland waxaana soo mara xoolaha ugu badan ee ka dhoofa dekadda Boosaaso, sidoo kale waxaa soo mara xoolaha kale ee laga dhoofin jirey dekadda Berbera. Wadada Gaalkacyo-Garoowe waxaa la dhisey bartamihii sanadihii todobaatanaadkii waxaana lagu dhisey deeq ay bixiyeen Jamhuuriyadda Dadka Shiinaha.

Mashruucii u weynaa ee kadib 2014.

Sanadkii 2015 waxaa Puntland soo marey fursaddii u weyneyd abid taas oo ah deeq ka timid Midowga Yurub oo gaareysa 17milyan oo lacagta Euro ah iyo 3 Milyan oo Dowaldda jarmalku ku dartey ($23milyan dollar) taas oo lagu dayactiraayo wadada Garoowe-Gaalkacyo, Munaasabadii lagu daahfuray mashruucaas ballaaran ayaa ka dhacdey Garoowe 11 Maarso 2015, waxaana mashruuca loogu walqalay “Garowe-Galkacyo Corridor”, munaasabadii furitaanka mashruuca waxaa ka qaybgalay ergayga Midowga Yurub u qaabilsanaa Soomaaliya Michele Cervone d’Urso, Safiirka dalka Jarmalka u fadhiya Kenya iyo Soomaaliya Andrea Peschke, dhanka Puntland waxaa ka qaybgalay Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Cali Gaas.

Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in mashruucaani uu yahay mid kamid ah kuwii ugu ballaarnaa oo kaabayaasha dhaqaalaha wax looga qabanaayo, waxaana uu ku faaney in Dowladiisu xoog saareyso waxka qabashada kaabayaasha dhaqaalaha. Mashruucan ayaa daba socdey shirkii deeq bixiyaashu ay ku yeesheen magaalada Garoowe, kaas oo la donaayey in Puntland loola dhaqmo si lamid ah Somaliland laguna tijaabiyo mashaariic waaweyn oo kaabayaasha dhaqaalaha ah kaas oo ay ku baxayso malaayiin dollar.

Sida la og yahay mashruuc kasta waxa uu lee yahay wakhti uu bilowdo iyo wakhti uu dhamaado gaar ahaan Mashaariicda deeq-bixiyaashu ay Soomaaliya siiyaan, waxaana laga doonayaa cidda markaas la siiyo in ay ilaaliso mashruuca wakhtigiisa.

Mashruuca “Garowe-Galkacyo Corridor” ayaa muddadiisu ahayd Maajo 2015 – Maajo 2018.

Xaaladda Mashruuca Garowe-Galkacyo Corridor

Sida dad badan ku baraarugeen mashruucii wadada Gaalkacyo-Garoowe ayaa gebi ahaanba istaagey, hay’addii mashruuca waddey ee GIZ ayaa ka baxdey Puntland, haddaba sababtu maxay tahay?.

Mashruucan waxaa loo qaybiyey laba qaybood, wejiga kowaad ayaa ah dayactirka inta u dhaxaysa Jalam iyo Xarfo oo gaareysa 80km waxaana ku baxaya lacag gaareysa $6 milyan oo dollarka Maraykanka ah.

Qandaraaska mashruucan ayaa la furey bishii Siteembar 2016, Shirkadda Is-xilqaan ayaa bishii Abril 2017 ku guuleysatey mashruuca dayactirka wadada isku xirta Gaalkacyo iyo Garoowe, waxaana ay shaqada bilaabeen bishii May 2017, iyada oo xiritaanka mashruuca ay ka harsan tahay muddo sanad ah keliya.

Fadhigii Baarlamaanka ee looga hadley dhismaha wadada

Golaha wakiilada ee Puntland ayaa u yeeray Wasaaradda Hawlaha guud, hay’adda waddooyinka Puntland ee PHA iyo Shirkadda Is-xilqaan ee Mashruuca qandaraaska ku qaadatay, waxaana ay wax ka weydiiyeen sababta mashruucii weynaa u istaagey?.

Shirkadda Is-xilqaan waxay sheegtey in mashruucu uu ka socon waayey dhanka hay’adda GIZ ee heshiiska la gashey hay’adda PHA, laakiin aan siin wax awood ah oo la hartey bixinta dhaqaalaha, waxay sheegtey in ay soo buuxiyeen dhamaan shuruudihii loo baahnaa, laakiin hay’adda GIZ aysan bixin dhaqaalihii la doonaayey in wadada lagu dayactiro, waxaana sidaas ku raacdey hay’adda waddooyinka ee PHA.

Horseed Media ayaa xiriir la sameysey hay’adda GIZ waxaana aan wax ka weydiiney Chrstoph Schmidt oo ahaa xiriiryaha Mashruucan eedaymaha loo jeedinayo hay’adda GIZ, sababta ay dalka uga baxeen?, in aysan bixin dhaqaalihii mashruucu u baahnaa iyo in mashruucu nool yahay weli iyo in wakhtigiisi dhamaadey?.

Chrstoph Schmidt ayaa sheegay in aanu ka jawaabi karin su’aalo badan oo ka soo baxay fadhigii Baarlamaanka ama eedaymaha loo jeedinaayo sababtuna waa anaga nalakuma casumin fadhiga fursadna nalooma siin, Chrstoph Schmidt ayaa sheegay in mashruucan u istaagey isaga oo dhaafey wakhtigii loogu talo galay, iyo cidda fulineysa oo awoodi weydey in ay raacdo nidaamka loogu talo galay mashruucan in lagu fuliyo, Chrstoph Schmidt ayaa Horseed Media u xaqiijiyey in mashruucan uu dhintey 31 Maajo 2018.

Chrstoph Schmidt

Chrstoph Schmidt waxaa kale oo uu Horseed Media u sheegay in lacagtu diyaar ahayd markasta, ayna ku baxaysey qorshe, wuxuu Horseed u sheegay in lacag hormarisa la siiyey shirkadda fulineysey Mashruuca taas oo loogu tala galay qalabka ay soo iibsadeen waxaana lagu qiimeeyey 14% dhaqaalaha guud ee ku baxayey wejiga hore ee $6milyan dollar.

Dayacaada Mashruuca

Sida aan horey ku sheegney mashruucan waxa uu tijaabo ku ahaa xukuumadda Cabdiweli Cali Gaas. Madaxweyne Gaas ayaa ka dhaxley xukuumaddii ka horeysey saddex mashruuc oo waaweyn kuwaas oo ahaa Garoomada diyaaradaha ee Boosaaso iyo Garoowe iyo weliba jaamacada Maakhir ee magaalada Baran. Mashruuca weyn ee keliya ee xiligii Dr Cabdiweli Cali Gaas yimid ayaa ah Garowe-Galkacyo Corridor, Mashruucan ayaa ah mid Midowga Yurub ay ka fulinayeen Soomaaliya oo dhan waxaana mashruuca loogu yeeraa Sustainable Road Maintenance Project, inkasta oo markii hore la doonaayey in gebi ahaantiisba lagu dayactiro wadada isku xirta Gaalkacyo – Garoowe ayaa markii ay muuqatey maamul xumada, karti darada iyo qaabka Xukuumadda Puntland xil isaga saari weydey waxaa qaybo kamid ah loo weeciyey Somaliland iyo weliba Koonfurta Soomaaliya, iyada oo qaybtii Somaliland sidii loogu talo galay u fushay.

Xukuumadda Cabdiweli Cali Gaas ayaa ku dooda in ay wax ka qabatey kaabayaasha dhaqaalaha, haddaba miyaan la dhihi karin mashruuca keliya ee yimid xiligii Dr Cabdiweli Cali Gaas ayaa noqdey kii u horeeyey oo noociisa oo kale ah oo fashil ku dhamaadey, kadib markii laga sixi waayey musuq-maasuqii qaabka loo marey qandaraaska, dayacaada mudada mashruuca iyo awooda shirkaddaha fulineysa, waxaana tani noqoneysaa mid lagu xusuusto xukuumadda Dr Cabdiweli Cali Gaas ee Puntland in ay shacabka Puntland u horseedi waayeen shaqo wanaagsan oo lagu taabo gelinayo mashruucii u weynaa ee Midowga Yurub ay doonayeen in ay Puntland ka fuliyaan.

Shirkaddaha qaatey mashruuca

Sida hay’adda GIZ u sheegtey Horseed Media shirkadaha qaatey mashruuca ayaa awoodi waayey in ay mashruuca fuliyaan ka hor wakhtigii loogu talo galay, markii aan aragney qaabka shirkaduhu u shaqeynaayaan, waxaa noo muuqatey ayey yiraahdeen in aan loo baahneyn in wakhtiga la cusbooneyiisyo. Shirkadaha qaatey Mashruuca ayaan lahayn awoodii ay ku fulinayeen gaar ahaan qalabka, waxaana ay ku xisaabtameen in lacagta wadada loogu tala galay ee gaareysa $6 milyan oo dollar ay qalabka ka soo gataan, qalabkaas oo hadhoow noqonaya mid iyaga u gaar ah, laakiin ay ahayd lacagtu in ay gasho wadada oo lagu dhiso. Dhanka kale sida uu GIZ u sheegtey Horseed lacagtu diyaar ayey u ahayd laakiin shirkaduhu waxay doonayeen in loo hormariyo lacagta, halka laga doonaayey in ay shaqada qabtaan, laga eego kadibna lacag bixintu ay dhacdo.

Gebagebadii saraakiil ka tirsan Madaxtoooyada Puntland ayaa sheegeysa in mashruucan uu yahay mid nool oo ay Midowga Yurub kala xaajoonayaan sidii hay’ad kale loogu wareejin lahaa. Horseed Media ayaa ogaatey in mashruucan wakhtigiisi dhamaadey, haddii loo baahdo in dib loo furo uu marayo wakhti aad u dheer iyo ogolaansho, haddana ay shirkadda GIZ ku mashquulsan tahay diyaarinta warbixin la xiriirta sababaha mashruucan ku fashilmey taas oo loogudbinayo Baarlamaanka Midowga Yurub

Ma ahan mashruucii u horeeyey ee la siiyey xukuumadda Dr Cabdiweli Cali Gaas ee fashil ku dhamaada, waxaa sidaas oo kale la joojiyey oo fashil ku dhamaadey mashruucii Score (Somali Core Economic Institutions and Opportunities), kaas oo Xukuumadda Cabdiweli Cali Gaas maamule uga dhigtey wiil uu dhalay Agaasimaha guud ee Madaxtooyada oo lagu magacaabo Taariq Cabdinaasir Biixi Soofe, oo inta badan ku maqnaa dalka dibadiisa, taas oo hadda World Bank ay Puntland dib u weydisteen mushaharkii badnaa ee sida macna darrada ah uu ku qaadanayey maadaama wax shaqo ah aanu qaban, mashruucan ayaa Horseed Media ku haysaa dabagal ku aadan qaabka uu ku bilowdey iyo sida loo joojiyey.

Maxamed Cismaan
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *