Raiisal Wasaaraha Somaliya oo sheegay in tallaabo laga qaadaayo shaqsigii Musuq maasuq lagu helo

Published: August 13, 2018

Ra`iisul Wasaaraha Somaliya Xasan Cali Khayre, ayaa sheegay in tallaabo sharciga waafaqsan laga qaadi doono shaqsiyaadka dowladda ka tirsan ee ku fekeraya lunsashada hantida Qaranka.

Khayre ayaa sheegay qof kasta oo masuul ah oo ka tirsan Dowladda Federalka Somaliya, haddii uu yahay Wasiir iyo hadii kale in tallaabo ay ka qaadi doonto dowladda Somaliya, haddii uu ku kaco fal musuq ah.

Waxa uu tilmaamay Ra`iisul Wasaaraha Somaliya dowladda inay dadaal badan u galayso ka hortagga Musuq maasuqa iyo in aan la lunsan hantida dadweynaha.

“Waxaanan yeelayn in dalkaan musuq maasuq lagu dhaqo, waxaan rabaa in aan halkaan farriin uga dirno qof waliba oo Somaliyed ama Wasiir ahaaw ama ruux kale ahaaw oo xil u hayo dowladda, oo ku fekeraayo inuu ka shaqeeyo lunsashada hantida Qaranka oo ku fekeraayo musuq maasuq inuu sameeyo, waxaan kuu sheegaa inaadan calfan doonin.” Ayuu yiri Khayre.

Hadalka hanjabaada ah ee Ra`iisul Wasaare Xasan Cali Khayre wuxuu ku soo aadayaa, iyadoo muddooyinkii dambe dowladda Somaliya shaqsiyaad kala duwan ay u xirtay arrimo la xiriira dhanka musuq maasuqa.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *