Wefdi uu hogaaminayo wasiirka arimaha Dibadda Eritrea oo gaaray Muqdisho

Published: August 13, 2018

Wefdi uu hoggaaminayo Wasiirka arrimaha dibadda dalka Eritrea Cusmaan Saalax ayaa saakay soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Garoonka diyaaradaha Aaden Cadde waxaa kusoo dhaweeyay masuulyiin ka tirsan dowlada oo uu kamid yahay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ,Wasiiro ka tirsan xukuumadda oo uu ka mid yahay Wasiirka arrimaha dibadda Amb. Axmed Ciise Cawad.

Soo dhaweyn kadib wefdiga wasiir Cusmaan Saalax wasiirka arimaha dibada Eritrea waxaa loo galbiyay xarunta madaxtooyada villa Somalia halkaasi oo saacada soo socda lagu wado in ay kulan la qaataan madaxda ugu sareysa dowladda Federaalka Soomaaliya.

Booqashadan u wasiirka arimaha dibada Eritrea uu ku yimid Muqdisho ayaa daba safarkii uu Madaxweyne Farmaajo dhawaan ku tagay magaalada Asmara halkaas oo uu wada hadal kula soo yeeshay madaxda dalkaasi.

Horseed Media 2018

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *