Gudiga kumeel gaarka ah ee doorashooyinka oo hortagay Barlamaanka Puntland.

Published: August 14, 2018

Garowe (HM):- Gudiga kumeel-gaarka ah ee doorashooyinka Puntland (TPEC) ayaa fadhiga golaha wakiiladda looga yeeray si ay uga warbixiyaan hanaanka doorashooyinka nidaamka xisbiyada badan iyo waqtiga ay u qorsheyeen in la qaban karo.

Gudigu waxaa ay jeediyeeen warbixin la xiriirrta xilliga iyo sida uu Puntland uga hirgeli karo nidaamka xisbiyada badan,waxaana ay shegeen in aanu doorashada 2019ka la jaanqaadi Karin,madaama loo bahanyahay diyaar garow baxadle oo ay ahayd in hore looga fakero sida dhismaha maxkamadda Dastuuriga ah,sugnaanshaha Xuduudaha & tirokoob sax ah.

Gudiga TPCE waxaa ay shegeen in ay qorshaynayaan in doorashada golayaasha degaanka Puntland ay kuwadaan in la galo bisha September sanadka 2019ka,waxaana halkaa laga dheehan karaa in hanaanka xisbiyada badani uusan xiligaan hirgeli Karin,ayna noqonayso doorashadani mid ku dhacda habkii hore ee beelaha xulistooda golaha wakiilada ku salaysan.

Barlamaanka oo ku guda jira kalfadhiga 40aad waxaa ay sii wateen warbixinta kadib dooda ku adan sida ay noqonayso doorashada 2019,waxaana cod aqlabiyad ah ku ansixiyeen in mudanayaasha xiga ku imaandonaan nidaankii hore ee xulista.

Dastuurka Puntland lifaaqiisa 3aad waxaa uu sheegayaa in xildhibaanadu ku imanayaan nidaanka xisbiyada badan,waxaana furan kalfadhiga oo laga filayo in barlamaanku iswafajindoono doorashadda2019ka habka uu xildhibaanku ku imanayo iyo lifaaqa Dastuurka.

 

Horseed Media.net

 

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *