Taliye Gorod oo Amar siiyay Ciidamada xoogga dalka Inay Ilaaliyaan Xeerarka Caaliga ah .

Published: August 14, 2018

Taliyaha Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa ku amray Ciidamada xoogga dalka in ay ilaaliyaan Xeerarka Caalamiga ah ee ilaalinta Xuquuqda Aaddanaha.

Taliye Gorod ayaa faray ciidammada xoogga inay u hoggaansamaan dhowridda xeerarka caalamiga ee xuquuqda aadanaha marka ay samaynayaan howlgallo military .

Waxaa uu ka digay in ciidankii aan ilaalinin xuquuqda aadanaha lala tiigsan doono maxkamad ayna mari doonaan ciqaabta ay mutaystaan.

Dhowridda xuquuqda aadanaha waxaa kamid ah difaacidda shacabka iyo in aanan burbur loo gaysanin hantida shacabka marka ay howlgallada socdaan lagana feejignaado wax kasta oo waxyeeli kara xuquuqda shacabka.

Wuxuu yiri ” Marka aad sugayso ammaanka oo aad dagaal kula jirtid kooxaha maleeshiyaadka, waxaa jiraa xeer caalami ah oo lagaa doonayo inaad ilaalisid kaas oo mas`uuliyad kaa saaran tahay inaad dhowrtid xuquuqda uu yeelan karo qofkaasi”

Horseed Media

 

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *