Ciidanka difaaca Puntland ee PSF oo deeq agab waxbarasho ah gaarsiiyay deegaanka Ceelaayo-Dhageyso

Published: August 16, 2018

Ciidanka difaaca Puntland ee PSF oo mudooyinkii dambe socdaalo howlgalo ka sameynayay deegaano kamid ah Puntland gaar ahaan gobolka Bari ayaa agab waxbarasho waxa ay gaarsiiyeen deegaanka Ceelaayo ee gobolka Bari.

Agabkan waxbarasho oo ciidanka kumaandooska Puntland ay gaarsiiyeen deegaanka Ceelaayo e gobolka Bari ayaa timid kadib markii kulan is xog wareysi ah ay saraakiisha hogaaminaysay ciidanka PSF-ta la qaateen qeybaha kala duwan ee bulsho kunool deegaanka Ceelaayo kuwaasoo sheegay in ay baahiyo xoogan u qabaan helida adeegyo la xiriira waxbarashada taasoo markii dambe ay ka dhabeeyeen ciidanka difaaca Puntland ee PSF kuna wareejiyeen agabkaasi masuuliyiinta waxbarashada deegaanka Ceelaayo.

Nabadoon Mursal oo kamid nabadoonada deegaanka Ceelaayo ayaa uga mahadceliyay saraakiisha iyo ciidanka difaaca Puntland sida ay uga jawaabeen baahiyaha ka jira deegaanka iyo qalabeynta ay ku sameeyeen iskuulka hoose dhexe ee deegaanka Ceelaayo.

Saraakiisha iyo ciidanka difaaca Puntalnd ee PSF oo ugu dambeyntii ka hadlay madasha wareejinta agabka waxbarasho ayaa tilmaamay in ay diyaar u yihin ka qeyb qaadashada haqabtirka baahiyaha asaasiga ee nolasha iyagoona tilmaamay in ay sii wadayaan horumarada xaga amaanka iyo nolosha dadka deegaankaasi.

Ciidankan xooga Puntland ee PSF ayaa had iyo jeer u taagan ka shaqeynta amaanka iyo difaaca dalka iyagoona had iyo jeer garab istaag u muujiya shacabkooda .

Hadaba hoos ka dhageyso warbixinta ciidanka difaaca Puntland ee PSF

Horseed Media 2018

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *