Fahad Yaasiin Daahir oo laga qaadey xilkii agaasimaha Madaxtooyada loona beddalay NISA

Published: August 16, 2018
Fahad Xaaji yaasiin Daahir

Wareegto ka soo baxdey Madaxweynaha jamhuuriyadda Federaaliga ah Maxamed Cabdullaahi Maxamed oo subaxnimada Khamiista soo gaartey saxaafadda ayaa lagu magacaabey Agaasimaha guud ee madaxtooyada, Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliya, Abaanduulaha ciidanka xoogga dalka iyo xilal kale.

Fahad Xaaji Yaasiin Daahir oo ahaa agaasimaha Madaxtooyada ayaa xilkaas laga qaadey waxaana loo bedalay ku-xigeenka hay’adda NISA, si lamid ah waxaa xilalki laga qaadey labadii agaasime ku-xigeen ee NISA oo horey shaqo joojin loogu sameeyey, waxaana hay’addu hadda leedahay hal ku-xigeen oo ah Fahad Xaaji yaasiin Daahir oo lagu xanto in uu xiriir dhaw la lee yahay dowladda Qatar.

Fahad Yaasiin ayaan shaqadiisu ku ekayn in u yahay Agaasime Madaxtooyo waxaana uu safaro joogto ah ugu bixi jirey dalalka Kenya, Sudan, Qatar, Turkiga iyo dalal kale.

Agaasimaha cusub ayaa loo magacaabey Dr. Aamnia Siciid Cali oo ahayd agaasime ku-xigeenka Madaxtooyada.

Gen. Daahir Indho-qarshe ayaa mar kale Madaxweynuhu u magacaabey in uu noqdo Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliya, waana taliyhii saddexaad ee Madaxweyne Farmaajo magacaabo tan iyo sanadkii hore 2017, waxaana uu horey u magacaabey Gen Cirfiid iyo Gen. Gorod.

Madaxweynaha ayaa xilalkii ka qaadey labadii agaasime ku-xigeen ee NISA ee horey shaqo joojinta loogu sameeyey, sidoo kal waxa uu magacaabey Abaanduulaha ciidanka, ku-xigeenka taliyaha ciidanka Booliska iyo taliyaha ciidanka badda.

Hoos ka akhri Wareegtada Madaxweynaha

Muqdisho, 16ka Ogoosto, 2018: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta dib u habeyn ballaaran ku sameeyay qaar kamid ah hay`adaha amniga dalka iyo Agaasinka Madaxtooyada Qaranka

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha ayaa magacaabis iyo xil ka qaadis lagu sameeyay masuuliyiinta hoos ku xusan;

  1. Dr. Aamina Siciid Cali waxaa loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada.
  2. S/Gaas Daahir Aadan Cilmi ayaa loo magacaabay inuu noqdo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
  3. G/Dhexe Odawaa Yuusuf Raage oo loo dallacsiiyay S/Guuto ayaa isla markaasna loo magacaabay Abbaanduulaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
  4. S/Guuto Cabdalla Maxamed Cabdalla waxaa laga qaaday xilkii K/Xigeennimada Agaasimaha Guud ee Hay`adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka.
  5. G/Sare Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) waxaa laga qaaday xilkii K/Xigeennimada Agaasimaha Guud ee Hay`adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka.
  6. Laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 15/08/2018 waxa uu Madaxweynahu u magacaabay Fahad Yaasiin inuu noqdo Ku Xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay`adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka.
  7. S/Guuto Siciid Axmed Kadiye ayaa loo magacaabay Taliye K/Xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.
  8. G/Sare Zakia Xuseen Axmed oo loo dallacsiiyay S/Guuto ayaa loo magacaabay Taliye K/Xigeenka Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed.
  9. G/Sare Xasan Nuur Col-ujoog ayaa loo magacaabay Taliyaha Ciidamada Badda.
    Madaxweyne Farmaajo ayaa faray dhammaan masuuliyiinta la magacaabay in ay si hufan uga soo dhalaalaan shaqooyinka loo igmaday.

DHAMMAAD

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *