Ibrahim Boubacar Keita oo mar kale ku guuleystay doorashadii ka dhacday dalka Mali

Published: August 16, 2018

Madaxweynaha markale isku soo sharaxay doorashada Mali Ibrahim Boubacar Keita ayaa ku guuleystay doorashadii muranka badan dhalisay ee ka dhacday dalka Mali sida ay sheegeen gudiga doorashada dalkaasi.

Madaxweyne Ibrahim Boubacar keite ayaa helay 73, boqolkiiba taasoo macnaheedu yahay in uu helay 67.17 codadka la tiriyay halka hogaamiyaha mucaaradka Soumaila Cisse uu isna helay 32.83 boqolkiiba sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan gudiga doorashada dalkaasi.

Inkastoo doorashada ay hareeyen eedayamo la xiriira in lagu shubtay codadka ayaa hadana waxaa kor joogto ka ahaa xubno heer caalami ah kuwaasoo la socday habka ay u socotay doorashada.

Soumaila Cisse oo ah hogaamiyaha mucaaradka dalkaasi ayaa xukuumada ku eedeeyay in ay musuq maasuqtay doorashada isla markaana ku shubatay badi codadka la dhiibtay waxa uuna sheegeen in ay qaadaceen natiijada kasoo baxday doorashada.

Ka sokow in dadka reer Mali ay u dareereen doorashada codadkooodana dhiibtwwn hadana waxaa jirta in degaanada qaar oo dhaca waqooyiga dalkaasi aysan ka suurto galin qabsoomida doorashada maadama shacabka waqooyiga Mali ay hanjabaado kala kulmeen dagaal yahanada ku sugan waqooyiga dalka.

Ku dhawaad 20 qowmiyadood ayaa ku nool dalka Mali waxaana sanadihii ugu dambeeyay uu dalkan la daalaa dhacayay xaalado isbiirsaday oo ay ugu horeeyeen dhaqaalo xumo iyo falal amni darro.

Horseed Media 2018

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *