Shir looga arinsanayo Amniga deegaanada Galmudug oo Dhuusamareeb ka furmay-Dhageyso

Published: August 16, 2018

Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Maamulka Galmudug waxaa maanta gaaray saraakiil ka socota taliska ciidamada mareykanka qaarada Africa ee loo soo gaabiyo Africom iyo Cutubyo katirsan ciidamada Danab ee Soomaaliya.

Ujeedka saraakiisha iyo ciidamadan ay u gaareen magaalada Dhuusamareeb ayaa lagu sheegay in ay la xiriirto ka qeybgalka shir looga hadlayo amaanka deegaanada Galmudug iyo la dagaalanka ururka Alshabaab sida uu sheegay agaasimaha madaxtooyada Galmudug.

Shirkan ayaa waxaa ka qeybgalaya xubno ka socda maamulka Galmudug, Saraakiil ciidan iyo madax ka socota Qarmada Midoobay sida ay xaqiijiyeen masuulyiinta Galmudug.

Masuuliyiinta Maamulka Galmudug ayaa sheegaya in ay Wadaan diyaargarow ku aadan dagaal lagu qaado deegaanada Alshabaab ay kaga sugan yihiin Galmudug.

Hadaba hoos ka dhageyso codka Aagaasimaha madaxtooyada Galmudug.

Horseed Media 2018

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *