Ciidanka Puntland oo dib ula wareegay deegaanka Af-urur

Published: August 17, 2018

Ciidanka Puntland ayaa dib u qabsaday deegaanka Af-urur oo ka tirsan gobolka Bari, iyadoo aan wax dagaal ah ka aan dhacin deegaanka.

Al-Shabaab ayaa si nabad gelya ah u qabsaday Af-urur, kadib markii ay isaga baxeen ciidankii Puntland ee ku sugnaa deegaankaasi muddo laga joogo 20 maalmood.

Taliye xigeenka ciidanka Daraawiishta Puntland Jeneraal Axmad Cabdi Xaash ayaa sheegay in maleeshiyadii Shabaabka ahaa ee ku sugnaa deegaanka ay carareen kadib markii ay ogaadeen in aan ku soo socona deegaanka.

Deegaanka Af-uru waxaa dhowr jeer oo hore ku dagaalamay maleeshiyada Shabaab iyo ciidanka Puntland, kuwaasi oo ka dhashay khasaare isugu jirta dhimasho iyo dhaawac.

Horseed Media 2018

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *