Madaxweyne Farmaajo oo u ambabaxay Dalka Turkiga

Published: August 17, 2018

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya,Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo oo howlo shaqo u joogay Dalka Jabuuti ayaa u ambabaxay Dalka Turkiga, kadib markii uu casuumaad rasmi ah ka helay dhiggiisa, Recep Tayyip Erdo─ƒan.

Agaasimaha Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirika Warbaahinta Madaxtooyada Soomaaliya Mudane , C/nuur Maxamed Axmed ayaa Wakaaladda wararka Soomaaliyeed ee SONNA u sheegay in mudane Farmaajo

iyo Madaxweyne Ordogan ay ka wada hadli doonaan adkaynta xiriirka Walaaltinimo ee Labada Dal, iskaashi ku aaddan xoojinta dhaqaalaha,ammaanka,is-dhaafsiga ganacsiga iyo maalgashiga.

Madaxweynaha ayaa inta uu Turkiga jooga wuxuu halkaas kaga qayb geli doonaa Lix Sana guuradii kasoo wareegatay markii la aas-aasay Xisbiga haatan talada Dalka haya ee AK Part, oo ku beegan Berri oo ay Taariikhdu tahay 18-ka Augost.

Madaxweynaha ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Jabuuti kusii sagootiyay Madaxda ugu sarreysa Dalkaas.

Horseed Media 2018

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *