Madaxweyne kuxigeenka Puntland oo kulan la yeeshay gudoomiyaha gobolka Banaadir-Sawiro

Published: August 17, 2018

Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) ayaa Xarunta Dawladda Hoose ee Xamar kula kulmay Madaxweyne Ku xigeenka Dawlad Goboleedka Puntland Mudane Cabdixakiin Cabdull Dawlad Goboleedkaaahi Xaaji Cumar Camey.

Guddoomiyaha ayaa uga warbixiyey Madaxweyne Kuxigeenka xaaladda guud ee Gobolka Banaadir, guulaha lagu tallaabsaday muddadii la soo dhaafay iyo qorsheyaasha horumarineed ee Caasimadda.

Eng.Yarisow ayaa ku bogaadiyey bulshada iyo maamulka Puntland dadaalka ay ku bixiyeen midnimada iyo wadajirka, isagoona tilmaamay muhiimadda ay leedahay in loo wada istaago sidii loo rumeyn lahaa himilooyinka shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Kuxigeenka Dawlad Goboleedka Puntland Mudane Cabdixakiin Cabdullaahi Xaaji Cumar Camey ayaa uga mahadceliyey Maamulka Gobolka Banaadir soo dhaweynta sare ee ay u sameeyeen, muddada uu ku sugnaa Caasimadda.

Sidoo kale, Mudane Camey waxa uu dhiirrigeliyey horumarka muuqda ee laga gaaray amniga Muqdisho, daadajinta adeegyada asaasiga ah iyo qorsheyaasha ku saabsan hirgelinta hannaanka dimuqraadiyeynta.

Kulankan waxaa ka qeyb galay Guddoomiye Kuxigeenka Arrimaha Siyaasadda iyo Amniga Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed Tuulax, Xoghayaha Gobolka Mudane Cumar Cabdirisaaq Xuseen Iyo qaar ka mid ah Agaasimeyaasha Xafiisyada Maamulka Gobolka.

Horseed Media 2018

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *