Qarax dhowaan ka dhacay Waddada Taleex ee magaalada Muqdisho

Published: August 17, 2018

Qaraxan oo ahaa mid xoogan ayaa ka dhacay Waddada Taleex oo ka mid ah jidadka ugu isticmaalka iyo mashquulka badan magaalada Muqdisho, waxaana uu ahaa sida aan ka helay ilo rasmi ah wuxuu ahaa miino waddada dhinaceeda la dhigay.

Lama oga bartilmaameedka rasmiga ah ee Qarxan hasse ahaatee dad goobta ka agdhawaan ayaa sheegay wax yar uun ka hor uu goobta maray gaari ay la socdeen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya.

Inta la xaqiijinayo ilaa afar qof oo shacab ah oo goobta laba qof oo ka mid ah ay saarayeen Mooto bajaaj iyo hooyo caano ku gadaysay wadada qaraxu ka dhacay iyo qof wadad maraayey ayaa ku dhaawacmay Qarxa oo ahaa mid xoogan oo jugtiisa meel ka fog halka uu ka dhacay laga maqlay. Qarax ayaa ahaa mid wadada la dhigay .

Qaraxyadu siday u badan yihiin waxaa lala eegtaa meelaha halbowlaha u ah isu socodka magaalada sida badana waxaa ay waxyeeleeyaan bulshada rayadka ee magaalada muqdisho ku sugan.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *