Safarkii madaxweyne Farmaajo ee Jabuuti Muxuu ka badalay caradii Jabuuti ee cunaqabateynta

Published: August 17, 2018

Wasiirka Arrimaha dibada JabuutiMaxamuud Cali Yuusuf ayaa war qoraal ah oo uu soo dhigey Bartiisa Twitter-ka ku sheegay in xiriirka dowladaha Jabuuti iyo Soomaaliya uu ahaan doono mid ka xooggan sidii horey oo aan waxba iska badalin.

Hadalkan ayuu Wasiir Maxamuud kusoo beegay xili waayadan dambe uu mugdi soo kala dhex galay xiriirka ka dhexeeya labada dowladood isla markaana dowladda Jabuuti ay aad uga carootay hadal uu Asmara ka sheegay Madaxweynaha Soomaaliya kuna saabsanaa in cunaqabateynta laga qaado Eritrea.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu wasiirka arimaha dibada Jabuuti sheegay in wadatashiyo balaaran ay leeyihiin madaxda labada dowladood dhawaanna lasoo saari doono warmurtiyeed qeexaya waxa ay kawada hadleen labada madaxweyne.

Warar soo baxaya ay sheegaya in Madaxweynaha Soomaaliya uu dhiggiisa Jabuuti ka qanciyey tabashadii ay ka muujiyeen hadalkii uu ka sheegay Asmara ee ku aadanaa in cunaqabateynta dhanka hubka laga qaado Eritrea.

Jabuuti ayaa ka mid ah dowladaha Soomaaliya ka taageera xagga amaanka ,iyadoona ciidamo farabadani ay ka joogaan gobolka Hiiraan kuwaasoo ku howlgalla Magaca AMISOM.

Horseed Media 2018

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *