Dhoolawaa oo ka digay in dhaqaalaha shacabka Puntland loo adeegsado doorashada 2019-Dhegayso

Published: August 18, 2018

Agaasimihii hore ee hay`ada macdanta Puntland haatanna ah siyaasiyiin ku midoobay Madasha [Puntland Focus Group] Ciise Maxamuud Faarax Dhoolawaa ayaa wareysi uu siiyay Horseed Media kaga hadlay arimo badan oo ay ka mid yihiin go`aankii kasoo baxay golaha wakiilada Puntland ay ku go`aamiyeen doorashada la filayo in Puntland ay ka dhacdo sanadda 2019-ka, xaalada kala guurka ee iminka Puntland ay mareyso iyo waxa ka hirgali waayay doorasho qof iyo cod ah oo Puntland ka dhacda.

Ugu horeyn siyaasi Dhoolawaa ayaa bogaadiyay go`aankii ay golaha wakiiladu kasoo saareen doorashada 2019-ka ee Puntland isagoona ku tilmaamay in uu ahaa go`aankan mid Puntland ku leexiyay dhabbihii dimuqraadiyadda.

Intaa kadib waxa uu ka hadlay qorshihiisa ku aadan doorashada la filayo in ay dhacdo 8 January 2019-ka maadama uu kamid yahay siyaasiyiin u badan musharixiin kuwaasoo madal u sameystay arimaha doorashooyinka iyo siyaasadda guud ee Puntland, balse waxa uu qiray in uu yahay musharax madaxweyne xili dhowna uu soo bandhigi doono yoolkiisa musharaxnimo.

Waxa uu nasiib darro ku tilmaamay in mudo 20-sano kadib Puntland ay markale wax lagu soo doorto nidaamkii qabiiliga ahaa isagoona tilmaamay in xukuumada iminka talada kasii dagaysa ay ku guul daraysatay qabashada doorashada qof iyo cod iyo in Puntland ay nidaamka axsaabta badan uga gudubtay kan iminka ee qabiiliga.

Ugu dambeyntii waxa uu rajo wanaagsan ka muujiyay in si nabad gelyo ah ay u dhacdo doorashada 2019 hase ahaatee uu sheegay in xukuumada haatan talada hayso laga doonayo in aysan u isticmaalin doorashada dhaqaalaha, canshuuraha iyo deeqaha laga helo beesha caalamka taasoo uu sheegay in ay wiiqeyso nabad gelyada iyo karaamada Puntland.

Horseed Media 2019

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *