Duqa Muqdisho Eng Yariisow oo ka hadlay amniga caasimada.

Published: August 18, 2018

Eng cabdiraxmaan Cumar yariisow waxa uu tilmaamey in amniga caasimada uu marayo meel wanaagsan, intaa raaciyay in hadafkoodu uu yahay in Magaala madaxda Dalka oo uu ku tilmaamay Hooyadii Ummadda Soomaaliyeed iyo Qalbigii Shacabka ay kusoo laabato sidii ay Beri-samaadkii ahayd, xilligaas oo ay safka hore uga jirtay Caasimadaha Adduunka ugu nabdoon, Gudoomiyaha oo la hadlayay warbaahinta ku hadasha afka dawlada.

Gudoomiye yariisow waxa uu ka sheekeeyay muhiimadda ay Bulshada u leedahay fidinta maamulka, waxana uu tilmaamey inay talada gaarsiiyeen Degmooyinka, Xafiisyana ay ugu fureen Shacabka, halkii ay Dadku markii hore adeegyadooda u doonan jireen Xarunta dhexe ee Dowladda hoose.

Hadalka Gudoomiyaha ayaa kusoo beegmaya xili caawa mqudisho uu ka dhacay, mudooyinkii danbena ay caasimada kusoo laablaabanayeen qaraxyo is xigxiga oo galaaftay nafsada dad shacab ah , kuwa ku dhaawacmay iyo burbur hantiyeed oo soo gaaray goobo ganacsi.

 

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *