Raisal Wasaaraha Soomaaliya oo daahfuray dayactir lagu sameeyay Xarunta CID

Published: August 19, 2018

Xasan Cali Kheyre raisal wasaaraha dawlada federaalka ah ee soomaaliya ayaa x xarigga ka jaray Xarunta hoggaanka baarista danbiyada (CID) oo dib u dayactir xooggan lagu sameeyay laguna soo kordhiyay qalab casri ah oo ka qayb qaadanaya sugidda amniga iyo ka hor tagga danbiyada abaabulan ee ka dhaca gudaha caasimada soomaaliya ee Muqdisho.

Xarunta hoggaanka baarista danbiyada (CID) ayaa lagu dhisay barnaamijka Is-xilqaan ee uu iclaamiyay Madaxwayne Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo, dhammaan a kasoo qayb gashay munaasabadda daah-furka ay soo dhaweeyeen in xaruntu ay noqotay xaruntii ugu horeysay ee lagu dhiso Barnaamijka Is-xilqaan.

Xarunta ayaa sidoo kale lagu kenay qalab casri ah oo loogu talagalay in lagaga hortago qaraxyada iyo falal danbiyeedyada abaabulan ee ka dhaca gudaha caasimada soomaaliya ee Muqdisho.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *