Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya oo is casilay

Published: August 19, 2018

 

Xildhibaan C/qaadir Gaafow Maxamuud oo ka tirsan baarlamaanka soomaaliya ayaa la shaaciyay in uu iska casilay xubinimadii baarlamaanka sida ay shaaciyeen gudiga doorashooyinka madaxa banana ee soomaaliya, Xildhibaan Cabdiqaadir ayaa laga soo doortay degmada Cadaado sanadkii 2016, waxa uuna ka mid ahaa xildhibaano shaki la geliyay sax ahaanshaha kursigooda, balse doorasho labaad oo muqdisho ka dhacday ayaa kaga mid noqday xildhibaanada baarlamanka.

Lama sheegin sababta uu isu casilay, balse gudiga madaxdaa banana ee doorashooyinka ayaa sheegay in ay wadaan qabashada doorashada 3 kursi oo ku jiro kursiga uu xildhibaan Cabdiqaadir, Warar hoose ayaa sheegaya in kursigaan uu u tartami doono walaalkiis Jen. Cabdilaahi Gaafow Maxamuud oo sanad ka hor laga qaaday Taliyaha Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *