Madaxweyne Gaas oo kala diray Golihii deegaanka degmada Badhan

Published: August 20, 2018

Kadib wareegto kasoo baxday xafiiska madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiweli Maxamad Cali Gaas ayaa waxaa lagu kala diray Golahii deegaanka Degmada Baran ee gobolka Haylaan.

Golaha deegaankan ee lakala daray ayaa lagu soo eedeeyay gudasho la’aan shaqadii loo igmaday,waxaana soo jeedinta kala dirida golaha deegaanka Badhan ay ka timid wasaarada arimaha gudaha Puntland.

Hooska ka akhriso wareegtada oo dhammeytirsan.

Xeer Madaxweyne Lr. 105 August 19, 2018, kuna saabsan kala dirid Golaha Deegaanka Degmada Badhan ee Gobolka Sanaag.

Madaxweynaha Dowladda Puntland.

Markuu arkay: Tala soo jeedinta Wasaarada Arimaha Gudaha, Dowladaha Hoose Iyo Hirumarinta Reer Miyiga.

Markay Caddaatay: In ay hanan waayeen shaqadii loo igmaday.

Waxuu Xeeriyey:

  1. Waxaa la kala diray Golaha Deegaanka Degmada Badhan.
  2. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay madaxweynuhu

-DHAMMAAD-

Kala dirista golaha deegaanka degmada Badhan ayaa kusoo beegmaysa xili bilooyinkii lasoo dhaafay uu madaxweyne Gaas kala diray golayaashii degmooyinka Bosaso,Garowe Qandala iyo Badhan oo uu maanta gaas kala diray.

Faafin Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *