Masuuliyiin ka tirsan laamaha garsoorka Soomaaliya oo shaqadii looga joojiyay cabasho dadweyne darteed

Published: August 20, 2018

Kalkaaliyaal ka shaqeynayay Maxkamadaha darajada 1-aad iyo 2-aad ee gobolka Banaadir ayaaa shaqo joojin lagu sameeyay maalintii shalay sababo la xiriira cabashooyin ay soo gudbiyeen dadweynahaadeegyada cadaalada u soo doonta maxkamadaha gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Garaqaan Baashe Yuusuf Axmed oo warqada shaqo joojinta xafiiskiisa kasoo saaray ayaa waxaa la faray laamaha garsoorka dalka gaar ahaan maxkamada racfaanka iyo masuulyiiinta degmooyinka Gobolka Banaadir in ay amarkaan fuliyaan sida ugu dhakhsiyaha badan.

Kalkaaliyaashan shaqo joojinta lagu sameeyay ayaa gaaraya 9 xubnood kuwaasoo badankood la sheegay in ay ka howlgalayeen Maxkamadaha degmooyinka,Gobolka,iyo Rafcaanka ee gobolka Banaadir ayaa kusoo beegmaysa shaqo joojintooda xili Madaxweynaha Soomaaliya uu sheegay in labo sano gudohood lagu tayayn doono laamaha garsoorka dalka,isla markaana shacabka soomaaliyeed ay heli doonaan garsoor saldhig u ah hufnaan iyo cadaalad

Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka Baashe Yuusuf Axmed ayaa horey u balanqaaday in uu dib u habayn dhammeystiran ku samayn doono Garsoorka dalka. balse qoraalka uu soo saaray guddoomiyaha ayaan lagu xusin in maxkamad la soo taagayo kaaliyaashan oo sanadihii la soo dhaafay ka howlgalayay maxkamadaha magaalada Muqdisho.

Horseed Media 2018

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *