Xujeyda oo maanta gudanaya rukniga u weyn ee camalka Xajka

Published: August 20, 2018

In ka badan 2 milyan oo Xujey ah ayaa maanta oo Isniin ah taagan Buurta iyo banka Carafo ee magaalada barakaysan Makka, wuquufka ama istaaga Carrafo ayaa ka mid ah arkaanta Xajka kuwa ugu muhimsan waxaana nebigu yiri nnkh “Xajku waa carrafo”, xujeyda ayaa habeenkii xalay ku sugnaa Mina iyaga oo gudanaya Maalinta Tarwiyah ee Mina. Xajka ayaa ah tirka shanaad ee diinta Islaamku ku taagan tahay, waxaana qofka Muslimka ah ee awooda laga doonayaa in uu guto hal mar cimrigiisa.

Istaagida Carrafo kadib marka qoraxdu dhacdo ayaa Xujeydo ka dhaqaaqayaan halkaas waxay sii marayaan Mina iyaga uu tuuranaya Jamaaraadka, kadib waxay xoogaa ku negaan doonaan Muzdalifah, iyaga oo maalinta berri ah gawracaya Udxiyadoodi, halka Muslimiinta kale ee caalamku ay tuanayaan salaada ciidul udxiga.

Ilaa hadda gudashada waajibaadka Xajka oo bilowdey maalintii Sabtida ayaan wax dhibaato ah ka dhicin. Dalalka Qatar iyo Kanada ayaa ka cabanaya maamulka Boqortooyada Sucuudigu in ay siyaasadeeyeen Xajka, waxaana dalalkaasi sheegayaan in ay xuejydoodi aad loo daahiyey lana dhaafiyey acmaashii xajka.

Amniga Xujeyda ayaa si weyn loo adkeeyey, iyada oo maalmaha ugu dhibka badan ay tahay gudahasha Jamaraadka oo ah maalmha ka danbeeya ciida udxiyada.

Dowladda Sucuudiga ayaa ka digtey fatahaado in ay ka dhacaan,habeenkii xalay ayaa roobab dabaylo wataan ka da’een Makka waxaana ay heleen xujeydii ku sugnaa Mina, lama oga khasaraha ay geysteen.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *