Ciidanka nabadsugida Somalia oo xabsiga u taxaabay Cali Mire Ducaale

Published: August 21, 2018

Hay’adda Nabadsugida iyo sirdoonka qaranka ee Nisa ayaa xabsiga u taxowday nin sheegtay in uu yahay Taliyaha nabadsugida Jubaland isla markaanadowlada federaalka ay u magacowday deegaanada Jubaland kaasoo dhawaan lagu xiray garoonka diyaaradaha Kismaayo.

Qoraal kooban oo hay’adda Nabadsugida ay soo dhigtay twitterka ayaa lagu sheegay inxalay fiidkii la soo xiray shaqsiga sheegtay inuu taliyaha NISA qeybta Jubbaland, isla markaana ay sheegtay in uu watay warqado been abuur ah.

Cali Mire Ducaale oo dhawaan isaga iyo labo ku xigeenadiisa ah lagu xiray Garoonka diyaaradaha Kismaayo kadib markii uu sheegtay in uu yahay taliye ay dowlada federaalka u magacawday deegaanada maamulka Jubaland. ayaa haatan wajahaya baaritaano la xiriira kiiska sheegada xilka taliyenimo

Talaabadan ay hay’adda nabadsugida qaranka ku xirtay Cali Mire ayaa u muuqanaysa mid jahwareer kale ka dhex dhalinaysa laamaha kala duwan ee dowlada maadama aysan sahlanayn masuul sheegtay in loo magacaabay taliye hadana la xiro.

Horseed Media 2018

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *