Australia: Raysalwasaare Turnbull oo ay ka gadoodeen xubno xisbigiisa kamid ah

Published: August 23, 2018

Raysalwasaaraha Australia Malcom Turnbull ayaa saaka oo khamiis ah sheegay inuu iska difaaci doono kooxda ka tirsan xisbigiisa ee dooneysa inuu xilka isaga dego, kadib markii ay iscasileen tiro Wasiiro ah.

Kooxdan gadoodka wada oo uu hogaaminayo Wasiirkii hore ee arrimaha Guddaha Peter Dutton ayaa doonaya inay la wareegaan hogaanka xisbi Xaakimka isla markaana Malcom Turnbull uu isaga dego xilka Raysalwasaaraha.

Salaasadii lasoo dhaafay ayaa cod ka dhex dhacay xisbiga Liberalka ee talada haya uu codka kalsoonida ku helay Raysalwasaare Turnbull, balse maalin kadib ayey xubno kamid ah taageerayaashiisii ku biireen kooxda uu hogaaminayo Mr.Dutton.

Waxaa kamid ah xubnaha hada ku biiray mucaaridkiisa Wasiirka Maaliyada Mathias Cormann kaasi oo xilka iska casilay, isla markaana sheegay in Peter Dutton uu yahay ninka u qalma hogaaminta xisbigaasi kahor intaan la gaarin doorashada guud ee dalkaasi ka dhaceysa sanadka soo socda.

Arrintan ayaa ku khasbaysa Raysalwasaare Turnbull inuu markale codka kalsoonida weydiisto xisbigiisa, isagoona sheegay inuu iska difaaci doono kooxda dooneysa inay xilkiisa ka fara-maroojiyaan.

Turnbull oo subaxnimadii Khamiista shir jaraa`iid qabtay ayaa sheegay inuu heysto taageerada inta badan xisbigiisa, isagoona sheegay inuu doonayo in xilka Xildhibaanimo laga qaado ninka loolanka kula jira ee Peter Dutton, arrintaasi oo la horgeyn doono maxkamada Sare.

Hadii markale dib loogu noqdo doorashada ka dhex dhacda Xisbi Xaakimka ee xilka Raysalwasaaraha ayaa waxaa la filayaa in ay soo baxaan murashaxiin kale oo badan oo ay ku jiraan qaar kamid ah Wasiirada hada xilalka haya oo in badan u hanqal taagaya inay qabtaan xilka Raysalwasaaraha.

Malcom Turnbull ayaa isaga laftiisa xilka qabtay sanadkii 2015 isagoo kursiga ka tuuray Raysalwasarihii ka horeeyey Tony Abbott oo ka tirsanaa xisbigiisa, kadib markii uu Turnbull qalalaaso ka dhex abuuray xisbiga talada haya oo ugu danbeyn kalsoonidii kala noqday Mr.Abbott.

Dalka Australia ayey caado u tahay in xisbiyada talada qabta ay kursiga ka tuuraan Raysalwasaarayaasha kahor intaan wakhtigooda uu dhamaan hadii hogaamiyaha uu waayo kalsoonida xisbigiisa.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *