Barnaamij gaar ah oo ku saabsan Dood Wadaagga Dadweynaha ee doorashooyinka-Dhageyso

Published: August 23, 2018

Idaacadaha Horseed Media, Radio Sahan iyo Codka nabadda Gaalkacyo ayaa iska kaashaday barnaamij dood wadaag ah oo looga hadlayo arrimo badan oo la xiriira hannaanka dowladnimo, maamul wanaaga iyo doorka bulshada ay ku leeyihiin dib u dhiska dowladnimada.

Barnaamijka ayaa sidoo kale diiradda lagu saaray doorashooyinka iyo habka xildhibaanadu ay codkooda ugu badashaan lacagaha laaluushka ah ee uga imaanaya mas’uulyiinta mansab raadiska ah ee doonaya in ay majaraha u qabtaan bulshada.

Waxa sidoo kale barnaamijku uu iftiimiyay marxaladihii kale duwanaa ee laga soo maray dib u dhiska dowladnimada Soomaaliya iyo habka xildhibaanadii kale duwanaa ee soo maray dalka wax u soo dooran jireen iyadoo aysan meesha ka marnayn masuq maasuqa, laaluushka iyo lacag ku bedalashada codka xildhibaanka ee matalaya bulshada rayidka Soomaaliyeed.

“Hadaba hoos ka dhegeyso Barnaamijka oo dhammeystiran, waxaana soo jeedinaya Suxufi Abdirahman Aatoh”

Horseed Media 2018

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *