Maraykanka: Qareenkii Trump oo sheegay inuu ku markhaati furi doono Trump!

Published: August 23, 2018

Michael Cohen oo ahaa Qareenkii khaaska ahaa ee Donald Trump ayaa Salaasadii Maxkamada kahor qirtay danbiyo lagu soo eedeeyey oo la xariira jabinta sharuucda Federaalka Maraykanka, isagoo sheegay inuu hada diyaar u yahay inuu banaanka soo dhigo xogta qarsoon ee Madaxweyne Donald Trump.

Mr.Cohen oo horey u ahaan jiray Qareenka khaaska ah ee Donald Trump ayaa Salaasadii maxkamada New York ka qirtay dacwado dhawr ah oo lagu soo oogay oo ay ku jiraan 5 danbi oo la xariira jabinta sharuucda Canshuurta, lunsasho lacag iyo jabinta xeerka u yaal lacagaha ololaha doorashooyinka.

Wuxuu Michael Cohen qirtay in lacag uu siiyey haween horey xiriir qarsoodi ah ulla lahaa Trump kahor doorashadii 2016, si aysan u dhaawicin ololihii doorashada Madaxweyne Donald Trump.

Ninkan ayaa hada sheegaya inuu diyaar uyahay inuu la shaqeeyo Xeer illaaliyaha khaaska ah ee baaraya farogelintii Ruushka ku sameeyey doorashadii Madaxweynaha ee 2016.

Qareenka u doodaya Cohen oo wareysi badan siiyey telefishinada Maraykanka saacadihii lasoo dhaafay ayaa sheegay in Michael Cohen uu xog badan ka hayo Donald Trump, isla markaana ay dhici karto inay xogtaasi la xariirto faragelintii Ruushka iyo wada shaqeyntii dhexmartay Donald Trump & Ruushka.

Warka kasoo yeeray Michael Cohen iyo Qareenkiisa ayaa ah mid dhabar jab weyn ku ah Donald Trump maadaama uu Mr.Cohen ahaa nin si weyn ugu dhaw isla markaana uu la qeybsan jiray sir badan.

Baaritaanka uu wado Xeer illaaliyaha khaaska ah ee Robert Mueller ayaa ku raad jooga xiriirka qarsoodiga ah ee ka dhaxeeyey Trump iyo Ruushka, baaritaankaasi oo uu Donald Trump marar badan ku tilmaamay mid siyaasadeysan.

Arbacadii shalay ayaa sidoo kale danbiyo la xariira musuq maasuq iyo lunsasho lacago lagu helay Madaxii guddiga ololaha doorashada Trump ee Mr. Paul Manafort.

Waxaa sidoo kale horey danbiyo u qirtay Lataliyihii dhinaca Amniga ee Trump, iyadoo la filayo in baaritaanada socda maxkamad lagu soo taago qaar kale oo badan oo kamid ahaa xubnaha ku dhaw dhaw Donald Trump.

Trump ayaa isagu ka cabsi qaba in baaritaankan ugu danbeyn uu xilkiisa ku waayo, isagoona marar badan bartiisa twitterka ku weeraray kooxda uu hogaamiyo Robert Mueller ee baaritaanka ku wada.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *