Ra`iisul Wasaaraha Soomaaliya oo kormeeray Dekadda Muqdisho

Published: August 23, 2018

Ra`iisul wasaaraha Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa kormeer ku tegay dekadda magaalada Muqdisho, isla markanaa u kuur galay habsami u socodka howsha ee dekadda.

Ra`iisul wasaaraha oo kormeerkiisa ku tegay qaybaha kale duwan ee dekadda ayaa maamulka dekadda, taliska booliiska iyo madaxa cusub ee canshuurta dekadda ku boorriyay in ay dar-dar geliyaan shaqada, qayb waynna ka qaataan la dagaallanka musuq-maasuqa, si sare loogu qaado dakhliga dowladda.

Dekadda Muqdisho oo kamid ah ilaha ugu mumiisan ee dhaqaalaha dalka ayaa dhawaan waxaa lagu sameeyay horumarin ballaaran, iyada oo lagu guulaysatay in dekaddu shaqayso habeen iyo maalin.

Xukuummadda Soomaaliya oo la sheegay in hadafyadeeda ugu wayn ay ka mid yihiin dagaalka ka dhanka ah musuqa iyo kobcinta dhaqaalaha dalka ayaa dardar gelisay qorshaha lagu baarayo shaqsiyaadka dawladda u shaqeeya ee looga shakisan yahay xatooyada xoolaha dad waynaha, waxaana dhawaan la xiray 10 sarkaal oo ka mid yahay madaxii canshuurta dekadda Muqdisho oo lagu eedeeyay in ay musuq-maasuq gaysteen.

Horseed Media 2018

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *