Ugandha: Museveni oo maxkamad militari soo taagaya Xildhibaan/Fanaan Mucaarid ah

Published: August 23, 2018

Maanta oo khamiis ah ayaa lagu wadaa in maxkamad militari lasoo taago Xildhibaanka da`ada yar ee Robert Kyagulanyi (Bobi Wine) oo ah Fanaan caan ah oo isu bedalay siyaasi mucaarid ku ah Madaxweyne Yoweri Museveni.

Robert Kyagulanyi oo ah 36 jir ayaa ah Fanaan caan ka ah dalka Ugandha oo sanadkii lasoo dhaafay ku biiray siyaasada, isla markaana ku guuleystay in loo soo doorto xildhibaan bishii July 2017.

Xildhibaankan oo inta badan loogu yeero magaca uu fanka caanka ku noqday ee Bobi Wine ayaa horey usoo saaray heeso badan oo lid ku ah Madaxweynaha dalkaasi mudada dheer kasoo talinayey ee Museveni.

Fanaan Bobi Wine wuxuu siyaasada si fiican usoo dhexgalay kadib go`aankii lagu bedalay Dastuurka oo loo ogolaaday in dadka da` adooda ka weyntahay 75 sano ay xilka Madaxweynaha u tartami karaan, go`aankaasi oo ahaa mid wadada loogu xaarayey in Madaxweyne Museveni markale xilkaasi u tartamo doorashada 2021.

Bobi Wine ayaa taageero badan ka heysta dhalinyarada dalkaasi, isagoona sheegay in wadanka Ugandha uu dib u socod ku jiro, isla markaana dhalintada dalkaasi ay qarka u saaran yihiin inay nacaan wadankooda, wuxuuna fikirkiisa inta badan ku cabiraa heeso si adag loogu dhaliilayo Xukuumada Museveni.

Xarigii Bobi Wine

Todobaadkii lasoo dhaafay ayaa Bobi Wine xabsiga loo taxaabay kadib markii iska horimaad dhexmaray qaar kamid ah taageerayaashiisa iyo ciidamada Amaanka.

Bobi Wine iyo Madaxweyne Museveni ayaa xiligaas ku sugnaa magaalada Arua ee waqooyiga dalkaasi iyagoo u ololeenayey murashaxiinta xildhibaanka deegaankaasi laga soo doorto.

Xildhibaan Bobi Wine ayaa taageero u fidiyey murashaxa kasoo horjeeday xildhibaanka uu watay Madaxweyne Museveni, waxaana magaaladaasi ka dhacay rabshado, xukuumada ayaa ku eedaysay taageerayaasha Bobi Wine inay weerareen kolonyadii gaadiidkii waday Madaxweyne Museveni.

Booliiska ayaa iyaguna toogasho ku dilay Darawelkii Bobi Wine, kahor intaan xildhibaankaasi xabsiga la dhigin.

Dowlada ayaa ku eedaysay Bobi Wine inuu heystay hub mamnuuc ah sida sharciga dalkaasi qorayo Booliiska iyo militariga oo kaliya ayaa hubka loo ogolyahay.

Balse taageerayaasha iyo Qoyska xildhibaanka ayaa sheegay inay eedeyntaasi tahay been ay dowlada soo dhoo-dhoobtay isla markaana ku eedeeyeen xukuumada inay Maxkamad militari saartay Xildhibaankan mucaaridka ah.

Qoyska ninkan ayaa sidoo kale sheegay in jirdil loo geystay inta uu xabsiga ku jiray.

Dhinaca kale taageerada Bobi Wine ayaa u muuqata mid sii kordheysa kadib qaabkii ay dowlada ulla dhaqantay xildhibaankan oo mudooyinkii danbe saameyn weyn ku yeeshay siyaasada dalkaasi Ugandha.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *