Ciidamo ka tirsan Booliiska Soomaaliya oo Musuq-maasuq loo xiray-Dhegayso

Published: August 25, 2018

Ilaa 28 xubnood oo ka tirsnaa booliiska Soomaaliya, kuwaasi oo loo haysto eedo iskugu jira amar diido iyo musuq-maasuq ayaa xabsiga la dhigay sida ay sheegtay laanta dambi barista booliiska Soomaaliya.

Taliye ku xigeenka laanta dambi baarista ee ciidanka booliiska Soomaaliyeed ee CID Jeneraal Bishaar Abshir Geedi oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in ciidankaasi la dhigay xabsiga dhexe ee magaalada, kadiib markii la soo eedeeyey.

..Waxaan rabnaa inaan la wadaagna shirkan jaraa’id ciidamo kale oo la maqan hub iyo qalab hanti dadweyne ah, waxaan ku baaqaynaa in si deg-deg ah loo soo celiyo hubka iyo qalabka maqan ayuu yiri taliye ku xigeenka laanta dambi baarista ee ciidanka booliiska Soomaaliyeed ee CID Jeneraal Bishaar Abshir Geedi .

Taliye ku xigeenka laanta dambi baarista ee ciidanka booliiska Soomaaliyeed ee CID Jeneraal Bishaar Abshir Geedi ayaa u digay ciidanka booliska ee jidadka taagan oo dhibaateenaya shacabka Soomaaliyeed, waxa uuna sheegay in kuwaasi lagu qaban doono gacan bir ah.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa ku howlan la dagaalanka musuq-maasuq , waxaana jiray saraakiil iyo mas’uuliyiin loo xiray musuq-maasuq.

Horseed Media 2018

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *