Ciidan ka tirsan NISA howgal ku qabtay rag ka tirsan Alshabaab

Published: August 27, 2018

Holwgal qorsheysan oo ciidanka Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ee NISA ay ka sameeyeen qeybo kamid ah magaalada Muqdisho ayay sheegeen in ay kusoo qabteenXubin weyn oo ka tirsan Al-Shabaab.

Qoraal ay bogga Twitterka soo dhigtay hay’adda NISA ayay ku sheegtay in ciidamo ka tirsan kuwo nabasugida ay gacanta ku dhigeen mid ka mid ah ragga amniyaadka ah ee Al-Shabaab u qaabilsan dilalka ka dhaca Magalada Muqdisho,sida lagu yiri warka qoraal ah ee kasoo baxay Hay’adda NISA.

Inkastoo Hay’addu aysan shaacin magaca shakhsigan la qabtay iyo halka lagasoo qabtay hadana waxa ay Hay’addu warkeeda qoraalkeeda ku shaacisay in aysan cidna wax ku noqon howlgalkan lagu soo qabtay ninkan ay sheegtay in uu kamid ahaa amniyaadka Alshabaab.

NISA
@HSNQ_NISA

27-ka Agoosto, 2018, howlgal qorshaysan ay fuliyeen ciidanka amaanka dowlada federalka Soomaaliya waxaa lagu soo qabtay xubin Amniyaadka Alshabab ah.

Howlgalka cidi wax kuma noqon.
Tani waxay tusaale u tahay shaqada adag ee ciidanka amnigu ku sugayo nabadgalyada & xasiloonida

Horseed Media 2018

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *