Dagaal xooggan oo ka dhacay Daynuunay, duleedka Baydhabo

Published: August 27, 2018

Dagaal khasaaro xooggan geystey ayaa ka dhacay deegaanka Daynuunaay ee duleedka magaalada Baydhabo, maalintii shalay ee Axadda. Dagaalka ayaa u dhexeeyey ciidamada Dowaldda Federaalka iyo Malayshiyaadka al-Shabaab.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Xoogga dalka ayaa Warbaahinta SONNA u sheegtey in ciidanka Dowladda ay heegan ku jireen taasina ay suurta galisay in si deg-deg ah looga hortago weerarkii ay soo qaadeen maleeshiyaadka al-Shabaab.

Afhayeenka u hadley Ciidanka Dwladda ayaa sheegtey in ay dhimasho badan u geystey Malayshiyaadkii soo weeraray ee al-Shabaab.

Dhanka kale warbaahinta ku hadasha afka a-Shabaab ayaa sheegtey in ururka al-Shabaab ay weerar ku qaadee xero ciidan oo ku taala Daynuunaay 23 km u jirta xarunta Baay ee Baydhabo, waxaana ay sheegteen in ay dileen ugu yaraaan 5 askeri qaar kalena dhaawaceen, al-Shababa ayaa sheegtey in ay xerada qabsadeen, inkasta oo ciidanka DOwladdu ay beeniyeen oo sheegeen in diyaar loo ahaa taasna sababtey in jab xooggan ay gaarsiiyaan.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *