Mooshinkii Dekadda Boosaaso ee golaha wakiilada oo fashilmey -VIDEO

Published: August 27, 2018
Xildhibaanada diidey Mooshinka

Xildhibaanada Golaha Wakiilada ee Puntland ayaa maanta u fariistey Mooshin laga keenay shirkadda P&Ports ee mataanta la ah shirkadda weyn ee DPWorld, taas oo lagu wareejiyey sanadkii hore dekadda Boosaaso.

Mooshinkan ayaa dhigaayey in shirkadda kirtsyatey dekadda Boosaaso muddo 30 sano ah ay ku fashilantey heshiiiskii lala galey oo aysan waxba ka qaban dekadda Boosaaso muddo sanad kadib ah heshiiskii lala galay.

Fadhiga oo ay soo xaadireen 39 mudane ayaa laga horjeediyey Mooshinkan iyadoo la hubiyey in ay sax yihiin saxiixyada mudanayaasha ku saxiixan,waxaana falanqayn ka dib loo codeeyey in mooshinkan laga dodo iyo in la laalo oo aan laga hadlin,waxaana codeeyey 39 xildhibaan.

Gudoomiyaha Golaha wakiiladda Puntland Axmed Cali Xashi ayaa ku dhawaaqay natiijadda u codaynta mooshinka,waxaana ogolaaday in laga hadlo 10 xildhibaan,waxaa diiday oo u codeeyey in la celiyo 23 xildhibaan,halka ay ka aamuseen 6 mudane,sidaa awgeedna waxaa la celiyey Mooshinkii kusabsanaa Shirkadda DPWorld.

In badan oo kamid ah Xildhibaanadii Mooshinka qorey ayaa fadhiga ka maqnaa, oo aan soo xaadirin isla markaana difaacan mooshinka ay qoreen.

Horey ayaa shacabka Puntland isu weydiiyeen sababta mooshinkan ay u keeneen Xildhibaanada Golaha wakiilada oo sanadkii la soo dhaafey meel-marinta heshiiskan ku qaatey lacag ku dhaw $2milyan oo dollar, oo ahayd lacagtii shirkaddu u bixiey hormarinta ama xaqul qalin wax loogu yeeray, taas oo keentey in heshiiska aan dood dheerba la gelin.

Shirkadda DPWord waxaa ay gacanta ku haysaa Maamulidda Dakhliga dekadda,iyadoo xukuumadda Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali ay heshiis la gashay,kaasi oo ku saabsanaa in dekadda la balaariyo,waxaase si weyn u dhaliilsan Bulshadda Puntland oo aan ku kalsoonayn sida ay wax u wado shirkadan oo laga leeyahay dalka Imaraatka Carbta.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *