Ra`iisul Wasaaraha oo la kulmay Safiirka Uk u fadhiya Soomaaliya

Published: August 27, 2018

Ra`iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali kheyre ayaa la kulmay Safiirka UK u fadhiya Soomaliya David William Concar waxa ayna ka wada hadleen xoojinta xiriirka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Ingiriiska .

Kulanka ra`iisul Wasaaraha Soomaaliya uu la yeeshay safiirka UK ayaa ku soo beegmay xilli la filayo in toddobaadka soo socda ay booqasho ku timaado dalka Kenya ra`iisul wasaaraha UK Theresa May.

Safiirka dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya mr Concar ayaa dowladda Soomaaliya ku bogaadiyey horumarada ay ka samaysay dowlad wanaaga, la dagaalanka musuq-maasuqa iyo Sugida Amniga.

Theresa May lama oga inay sidoo kale booqasho ku iman doonto dalka Soomaaliya iyadoo booqashooyinka madaxda wadamada reer Galbeedka aan la shaacin.

Horseed Media 2018

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *