Tababar loo furay Shaqaale ka tirsan Hay`adda Duulista Hawada-Sawiro

Published: August 27, 2018

Shaqaalaha tababarka qaadanaya ayaa ka koobnaa 16 iyadoo 7 ka mid ay ahaayeen Howl wadeenoay dhaleen shaqaalihii ka howgali jiray Hay`adda Duulista Hawada xilligii Dowladii dhexe.

Qaar ka mid ah shaqaalaha tababarka qaadanayay ayaa wasaaradda Gadiidka iyo Duulista Hawada kaga mahad celiyay doorka ay ka qaadatay inay tababar helaan, iyagoo ku tilmaamay mid kuso kordhinaya aqoon iyo tayo wanaagsan.

“waxyaabo badan ayaan ka faa,iidnay waxaana uga mahadcelineynaa sida wasaaradda ay ugu howlantahay hormarinta xirfada shaqaalaha”

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Gadiidka iyo Duulista Hawada Cali Gacal Gaaboow ayaa xusay in ay soo diyaariyeen shuruucdiiMaamulka Hawada uu horay ulahaa dalka ismarkaana ay ku wareejinayaan Mareeyaha.

“Waxaan diyaarinay shuruucdii maamulka hawada ee uu horay ugu shaqey jiray waagii Dowladi dhexe waxaana ku wareejineynaa Maareeyaha”.

Tan iyo 1991 Burburki Dowlada Dhexe ee Dalka waa tababarkii ugu horeeyay oo nuucaan oo kale ee loo qabto Shaqaalaha Hay`adda Duulista, wuxuuna u leeyahay ahmiyad gaar ah sida uu sheegay Wasiirka wasaaradda Gadiidka iyo Duulista Hawada.

“Muhiimada gaar ayay inoo leedahay tababar noocaan oo kale in ay helaan shaqaalaha islamarkaana waxay fursad inoo siineysaa sida garoonka diyaaraha uu ula jaan qaadi lahaa garoomada deriska iyo kuwa caalamka waxaana gaarsiin doonaa dhamaan maamul goboleedyada dalka.

Dowlada Soomaaliya oo dhawaan la soo wareegtay maamulkeeda hawada ayaa hada ku Howlan tababarida Howl wadeenada ka shaqeeya Qeybaha kala duwan ee Hay`adda Duulista Hawada Soomaaliya.

Horseed Media 2018
 

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *