Booliiska Kenya oo xabsiga dhigay Guddoomiyihii Gaarisa, Ali Korane

Published: August 28, 2018

Subaxnimadii Salaasada ayey booliiska dalka Kenya xabsiga dhigeen Guddoomiyihii gobalka Soomaalida ee Gaarisa Cali Bunow Korane oo uu baaritaan ku socdo.

Guddoomiyaha oo ay saaka xili hore gurigiisa Nairobi kasoo qabteen ciidamada Khaaska ah ee loo yaqaan [Flying Squad] ayaa la sheegay in hada lagu hayo saldhiga Kilimani oo ku yaal magaalada caasimada ah ee Nairobi.

Sida ay sheegayaan xog laga helayo Booliiska Kenya ayaa wada baaritaankan oo la sheegay inuu salka ku hayo weerarkii lagu qaaday Madaxii Maaliyada ee gobalka Gaarisa Idiris Aadan Mukhtar oo ay kooxo hubeysan ku toogteen magaalada Nairobi.

Weerarkaasi dhacay 20kii bishan Agoosto ayaa waxa geystay kooxo hubeysan oo Idiris toogtay xili uu kasoo baxay masaajidka uuna raacayey gaarigiisa.

Kooxda weerarkaasi geysatay ayaa goobta ka baxsaday, iyadoo aysan booliiska faah faahin dheeraad ah ka bixin baaritaanka socda. Waxaase jira warar soo baxaya oo sheegaya in booliiska ay sidoo kale gacanta ku dhigeen labo nin oo kamid ah kooxdii weerarkaasi geystay.

Guddoomiyaha gobalka Gaarisa ayaa Isniintii shalay hortagay Guddiga Baarlamaanka u qaabilsan arrimaha Maaliyada, isagoo lagu eedeenayo arrimo musuq maasuq iyo ku takrifalka dhaqaalaha gobalkaasi.

Horseed Media 2018

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *