Iran oo dacwad ka dhan ah Maraykanka horgeysay Maxkamada Adduunka

Published: August 28, 2018

Isniintii shalay ayey xarunta Maxkamada Adduunka (ICJ) ay ka bilaabatay dhageysiga dacwada uu dalka Iran kasoo gubdiyey wadanka Maraykanka.

Dowlada Iran ayaa ku eedaysay xukuumada Maraykanka ee Donald Trump cunaqabateynta dhaqaale oo ay kusoo rogtay iyo jabintii heshiisyadii horey u dhexmaray dalalkaasi.

Waa markii ugu horeysay in muddo ah oo ay labada dal hortagaan maxkamada Caalamiga ah ee ku taal magaalada The Hague ee dalka Holland oo uu xiligan Madaxweyne ka yahay Garsooraha u dhashay Soomaaliya ee Cabdiqawi Yusuf.

Maxkamada Caalamiga oo ah midda u gar-qaada wadamada ay xurgufta ka dhaxeyso ayaa eegaysa kiiskan cusub oo kusoo biiran dacwadihii horey u horyaalay oo ay ku jirto dacwadii badda ee u dhaxeysay Soomaaliya iyo Kenya.

Dowlada Maraykanka ayaa Isniintii shalay soo saartay qoraal ay ku sheegtay inay iska difaaci doonto dacwada laga geeyey Maxkamada Caalamiga ah.

Wasiirka Arrimaha Dibada ee Maraykanka Mike Pompeo ayaa sheegay

“…Maraykanka wuu iska difaaci doonaa dacwadan Iran horgeysay Maxkamada Caalamiga ah, Maraykanka xaq buu u leeyahay inuu cunaqabateyn kusoo rogo dalkii uu doono si aan u xaqiijino amnigeena. Kiiskan Iran maxkamada horgeysay waxaan u argnaa mid ay doonayaan inay maxkamada caalamiga ah si khaldan u adeegsadaan…”

Qareenka u doodaya Iran oo lagu magacaabo Mohsen Mohebi ayaa Isniintii shalay maxkamada horteeda ka sheegay in Cunaqabateynta Maraykanka saaray dalka Iran uu yahay weerar qaawan oo la doonayo in lagu dhaawaco Dhaqaalaha iyo Ganacsiga wadankaasi.

Qareenada ka socda Maraykanka ayaa lagu wadaa in maanta oo Salaasa ah ay ka jawaabaan dacwada ka timid dhinaca Iran.

Horseed Media 2018

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *