Maxay ka dhigan tahay in AMISOM ay ka baxaan garoonka Muqdisho Studium

Published: August 28, 2018

Mudo ku dhawaad 10-sano oo AMISOM ay daganaayeen garoonka ciyaaraha ee Muqdisho Studium, maanta ayay si rasmi ah ay uga rarteen agabkoodii iyadoona la arkayay muuqaalo iyo sawirro muujinayay ciidanka AMISOM oo alaabtooda ku raranaya gaadiidka xambaara taangiyada iyo qalabka ciidanka.

Wasiiradda dhalinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Soomaaliya Khadiijo Maxamed Diiriye oo maalintii shalay hadashay waxa ay sheegtay in ciidamo Boolis ah lagu wareejinayo Garoonka ay baneeyeen ciidanka Amisom.

Waxa ay kaloo sheegtay wasiiradda in dowladda Federaalka ay ka shaqeynayso sidii loo dayactiri lahaa Garoonka, islamarkaana haatan la hayo kharashkii lagu dayactiri lahaa.

Sawirka waa barisamaadka garoonka MS

Marka laga soo tago ka bixitaanka Amisom ee garoonka Muqdisho Studium iyo ka hadalka dowlada,waxaa hubaal ah in warkan uu farxad galiyay badi dhalinyarada Soomaaliyeed gaar ahaan dhalinta reer Muqdisho kuwaasoo mar un ku hanweynaa in ay arkaan garoonka ciyaaraha ugu weyn Soomaaliya oo gacantooda kusoo laabta.

Inkastoo garoonka uu ka muuqdo burbur lixaad leh maadama mudo tobonaan sano ku dhawaad uu gabaad iyo dhufeys ciidan u ahaa ciidanka nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya ee Amisom hadana madaxda iyo shacabka Soomaaliyeed tani waxa ay uga dhigan tahay talaabo wanaagsan oo loo qaaday dhanka dowladnimada iyo soo celinta kaabayashii dhaqaale ee burburay sida laga arkay banaanbaxyada nabadeed ee dhalinyaradu ay kusoo dhaweeynayaan la wareegidda gaaroonka Muqdisho Studium oo kamid ah kuwa uga waa weyn qaarada Afrika.

Muqdisho Studium waxa uu soo maray marxalado kala duwan oo saameynta ugu xoogan uu ku reebay dagaaladii sokeeye ee dalka ka qarxay dabayaaqadii qarnigii 20-aad ee 90-meeyadii iyo burburkii dowladnimo ee dalka soo gaaray ,balse bahda ciyaaraha iyo qaybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed ayaa aad ugu riyaaqay soo laabashada Muqdisho Studium iyo rumeynta riyadii bahda ciyaaruhu ay ka qabeen kusoo bandhigida ciyaaraha kala gadisan ee garoonkan baaxada weyn ee Muqdisho.

Baahida dhalinayarada ay u qabaan in ay mar un ku ciyaaraan garoonka Muqisho Studium ka sokow madaxda dowlada federaalka waxaa masuuliyad xoogan ay ka saaran tahay ka dhabeynta dib u soo nooleynta garoonka oo muhiimada koowaad ay tahay dib u dayactirka garoonkan qaada 40-kun ee ruux.

Horseed Media 2018

 

 

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *