Doorashada gudoonka golaha deegaanka Garowe bilaabatay

Published: August 29, 2018

Wareegii koowaad ee doorashada gudoomiyaha golaha deegaanka degmada Garowe ayaa haatan ka bilaabatay hoolka shirarka ee PDRC .

Codeynta xildhibaanada golaha degaanka degmada Garowe ay u codeynyaan muharaxiinta tartamaysa ayaaa waxaa goobjoog ka ah gudiga ansixinta xubnaha golaha deegaanka degmada Garowe oo uu gudoomiye ka yahay wasiirka arimaha gudaha Puntland,wasiiro iyo nabadeeno.

Doorashadan oo ay ku tartamayaan labo musharax oo kala ah Axmed Siciid Muuse (A.Barre)& Axmed Abshir Jaamac ( Bakuuke) ayaa waxaa la filayaa in xildhibaanada ka kooban 27-xunbood ee golaha deegaanka ay u kala codeyn doonaan musharaxiinta kadibna uu sida caadada ah uu soo bixi doono hal musharax kaasoo noqon doona gudoomiyaha golaha deegaanka ahna duqa degmada Garowe.

Kuxigeenka waxaa isu soo taagay labo musharax oo kala ah Maxamed Xamari & Cismaan Towxiid oo labadu horey usoo qabtay xilka gudoomiye kuxigeenka duqa magaaladda Garoowe.

Filo natiijada goordhow

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *