Golaha degaanka Garoowe oo dooranaya Gudoomiye & Gudoomiye kuxigeen.

Published: August 29, 2018

Garowe (HM):- Magaaladda Garoowe ee Xarunta Puntland waxaa saaka ka socday diyaar garowga loogu jiro doorashada Gudoomiyaha golaha degaanka ahna Duqa Caasimadda.

Gudoomiyaha oo ay dooranaya 27ka xubnood ee golaha degaanka waxaa u tartamaya labo musharax ee kala ah Axmed Siciid Muuse (A.Barre)iyo Axmed Abshir Jaamac ( Bakuuke).

Kuxigeenka waxaa isu soo taagay labo musharax oo kala ah Maxamed Xamari & Cismaan Towxiid oo labadu horey usoo qabtay xilka gudoomiye kuxigeenka duqa magaaladda Garoowe.

Wararkeena danbe kala soco doorashadda duqa Garowe iyo sida loo kala helo codadka.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *