Drs. Faadumo Yaasin iyo Cabadirashiid Saciid ayaa cusbitaalka degmada Qardho ugu deeqay 6 500 oo dollar.

Published: August 29, 2018

Drs. Faadumo Yaasiin Cismaan Keenadiid ayaa dhismaha Isbitaalka magaalada Qardho ku bixisey $6000, oo loogu tala galay in ay gasho dhisamaha Isbitaalka oo boqolaal qof maalinkasta u adeega.

Lacagtan ayaa loo wakiishey Sheekh Fu’aad Maxamuud Xaaji Nuur, waxaana uu ku wareejiyey Agaasimaha guud ee Isbitaalka Qardho Cismaan Cabdi Aw-musse. Sheekh Fu’aad ayaa sidoo kale Agaasimaha ku wareejiyey deeq kale oo uu bixiyey Cabdirashiid Maxamed Siciid.

Isbitaalka Qardho oo la dhisey xili aad u fog, ayaa gebi ahaantiisba la dumiyey oo laga dhiayaa dhawr dabaq, waxaana uua deeg siiyaa boqolaal qof maalinkasta.

Agaasime Cismaan Cabdi Aw-musse ayaa u mahad celiyey Drs. faadumo Yaasiin Cismaan iyo Cabdirashiid Maxamed Siciid, waxaana uu rabbi uga baryey halka ay lacagtaas u bixiyeen in uu uga dhigo sadaqad soconeysa weligeed inta bukaan loo adeegayo.

Isla maanta waxaa Isbitaalka $10.000 ku wareejiyey shirkadda Golis oo u soo wakiilatey Maamulaha Golis Qardho Sh. Cali Hurre. Ganacsade/Siyaase Maxamed Khaliif ayaa isaguna bishii Luuliyo ku wareejiyey isbitaalka $20.000 oo uu kaga qaybqaatey dhismaha isbitaalka.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *