Qiimaha khudaarta ee suuqa magaalada Bosaso oo sare u kacay-Dhegayso

Published: August 29, 2018

Sare u kac xoogan oo dhinaca khudaarta ah ayaa laga dareemayaa suuqa weyn ee magaalada Bosaso ee xarunta gobolka Bari.

Sare u kaca khudaarta ayey ganacsatada ku sababeeyeen isbedelka ku dhaca dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya iyo dagaalada u dhexeeya Orormada iyo Soomaalida.

Kartoonka khudaarta ayaa la iibin jiray 12 doolar ilaa 20 doolar, halka haatan la kala siisanayo 30 ilaa 35 doolar.

kiishka baradhada ayaa la kala siisan jiray 50 ilaa 60 doolar, halka hada laiibiyo 70 ilaa 80 doolar

Hadaba qaar ka mid ah ganacsatada khudaarta ayaa arimahaasi oo dhan uga warbxiyey Horseed Media.

Horseed Media 2018

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *