UN: Dhamaan dhinacyada ku dagaalamaya Yemen danbiyo dagaal bay geysteen!

Published: August 29, 2018

Midig: Kamel Jendoubi, Guddoomiyaha Guddiga iyo Charles Garraway, oo ah xubin kamid ah guddiga oo warbixinta kusoo bandhigay xarunta United Nations ee Geneva,, Switzerland. (Photo | AP)
Guddi khubaro ah oo ka socday Qaramada Midoobay ee baaritaanka ku waday dagaalka ka socday wadanka Yemen ayaa sheegay in dhamaan dhinacyada dagaalkaasi ka qeyb qaadanaya ay geysteen danbiyo dagaalo.

Dagaalka ka socda dalka Yemen tan iyo sanadkii 2015 ayaa barakaciyey malaayiin shacabka dalkaasi iyadoo ay ku dhinteen kumanaan kun oo qof.

Kooxda Xuuthiyiinta iyo Xulafada Sacuudiga & Imaaraatiga ayaa dhamaantood lagu eedeeyey inay geysteen danbiyo dagaal.

Duqeynta ay wadaan diyaaradaha dagaalka ee Sacuudiga iyo Imaaraatiga ayaa la sheegay in si aan kala sooc lahayn loola beegsaday magaalooyinka waaweyn ee dalkaasi oo ay gacanta ku hayaan xoogaga xuuthiyiinta.

Sidoo kale maleeshiyaadka Xuuthiyiinta iyo kuwa taageerada dowlada Yemen ayaa la sheegay inay geysteen falal ka dhan ah dadka rayidka ah oo ay ku jiraan, kufsi, dil, jirdil, askareynta caruurta iyo danbiyo kale.

Wasiirul dowlaha Imaaraatiga Carabta ayaa bartiisa Twitter ku sheegay in dowladiisa ay si taxadarleh u eegi doonto warbixintan, isla markaana ka jawaabi doonto.

Anwar Gargash ayaa yiri: Warbixintan waanu eegi doonaa, waana ka jawaabi doonaa xogta ay ku qotonto, sidoo kale waxaanu eegi doonaa waxa ay ka yiraahdeen falalka hororka ah oo ay geysteen maleeshiyaadka Xuuthiyiinta iyo dhibaatada ay ku hayaan shacabka. Dagaal mar walba khasaaro ayuu wataa, sida aan horey ugu aragnay dalalka Afghanistan, Ciraaq iyo Siiriya. Balse waxaa xilka koowaad naga saaran yahay sidii aan u sugi lahayn amniga iyo xasiloonideena.!

Sacuudiga ayaan isagu weli ka hadlin warbixintan lagu dhaliilay ee kasoo baxday Qaramada Midoobay.

Dhinaca kale dowlada Maraykanka oo iyadu dhinaca saadka militari iyo sirdoonka ka taageerta xulafada Sacuudiga & Imaaraatiga ayaa sheegtay inay baarayaan xogtan la shaaciyey, walow Xoghayaha Difaaca ee dalkaasi James Mattis uu Salaasadii shalay markale ku celiyey taageerada ay u hayaan xulafadooda, isagoona sheegay in xalka kaliya ee laga gaari karo dagaalka Yemen uu yahay iyadoo dhamaan dhinacyada dagaalamaya ay yimaadaan miiska wadahadalka.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *