Liibiya: Dagaalka xoogan ee u dhaxeeya Maleeshiyaadka Caasimada Tripoli – SAWIRO

Published: August 30, 2018

Xaalada Caasimada dalka Liibiya ee Tripoli ayaa ah mid aan weli deganeyn kadib dagaaladii xooganaa ee magaalada ka dhacay Isniintii iyo Salaasadii lasoo dhaafay, kadib markii ay magaalada weerar kusoo qaadeen maleeshiyaadka doonaya inay caasimada ka saaraana xoogagii horey Tripoli awooda ugu lahaa.

Dagaalkan ayaa ah mid u dhaxeeya maleeshiyaadka ka yimid deegaanada ku dhaw caasimada Tripoli oo ka careysan in wax laga siin waayey dhaqaalaha dowlada iyo maleeshiyaadka awooda badan ku dhex leh Tripoli kuwaasi oo ku dhex-milmay dowlada Beesha Caalamka aqoonsan yahay ee loo yaqaan GNA.

Maleeshiyaadka isa-soo abaabulay oo ka yimid magaalada Tarhouna oo 65km uga beegan koonfurta Tripoli ayaa loo yaqaan Kaniyat, waxayna duulaanka kusoo qaadeen maleeshiyaadka awooda kulahaa Tripoli ee Tripoli Revolutionaries’ Brigades (TRB) iyo Nawasi oo hada kamid ah xooga difaaca dowlada ku sugan Tripoli.

Kooxaha hubeysan ee awooda kuleh Tripoli ayaa noqday kuwo dhaqaale badan ka sameeya hawlaha ay u qabtaan dowlada isla markaana saameyn weyn ku yeeshay Wasaaradaha kala duwan ee dowlada GNA, waxay sidoo kale illaaliyaan xarumaha dowlada taasi oo u sahashay inay dhaqaale badan helaan, hogaamiyayaasha kooxaha hubeysan ayaa muddo kooban gudaheed ku noqday Tujaar, arrintan oo ka careysiisay maleeshiyaadka hada kasoo duulay Tripoli banaankeeda.

Dagaalka ka socda Tripoli ayaa keenay in kooxaha Kaniyat ay magaalada soo galiyaan hubka culus sida Taangiyo iyagoo la wareegay qeybo kamid ah xaafadaha magaalada caasimada.

Ciidamadii illaalinayey mid kamid ah xabsiyada ugu waaweyn ee Tripoli oo loo yaqaan [Ain Zara] oo lagu hayey Tahriibayaal badan ayaa la sheegay inay ka baxsadeen goobtaasi, isla markaana tiro badan oo dadka halkaasi ku xiran aysan heysan waxay cunaan, sidoo kale qaar kamid ah tahriibayaasha ay ku jiraan Soomaali ayaa la sheegay inay ka baxsadeen xabsiyada ay faarujiyeen ciidamadii illaalada ka ahaa.

Dowlada Liibiya ee caalamka aqoonsan yahay ee ku sugan Tripoli ayaan ku guuleysan inay hubka ka dhigto ama mideyso maleeshiyaadka awooda badan ku leh caasimada, kuwaasi oo u shaqeeya si madax-banaan. Kooxaha hubeysan ayaa sidoo kale noqday burcad abaabulan oo af-duubta madaxda dowlada kuwooda ka horyimaada qorshahooda, isla markaana lacago baad ah ka qaada madaxda dowlada iyo Qurbo joogta dalka yimaada.

Horseed Media 2018

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *