Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh maxamuud oo Muqdisho gaaray

Published: August 30, 2018

Garoonka diyaaradaha Aaden Cadde ee magaalada Muqdisho waxaa goor dhowayd soo caga dhigtay diyaarad sidda madaxweynihi hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo muddo sanad ka badan ku maqnaa dalka dibadiisa.

Ujeedada socdaalka Xasan Sheekh uu ku yimid Muqdisho, ayaa warar qaar ay sheegayaan in ay la xiriirto ku dhawaaqista xisbi cusub oo uu hogaamin doono.

Sida wararka aan ku helayno Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa xubno wasiiro ah u xil saartay soo dhaweynta ex madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyadoona kasokow wasiirada ay soo dhaweeyeen xildhibaano kamid golaha shacabka.

Xasan Sheekh ayaa tan iyo markii looga guuleystay doorashadii dalka a dhacday 8-Febraayo 2017-kii safar ugu amba baxay dalka dibadiisa iyadoona dhanka kalena socdaalkiisa Muqdisho uu kusoo aaday xilli madaxweynaha iminka talada haya ee Farmaajo uu safar dheer ugu kicitimay dalka Shiinaha.

Madaxweynihii hore ee dalka Xasan Sheekh haatan waa xildhibaan ka tirsan barlamaanka federaalka Soomaaliya,waxa uuna saaxiibo badani ku leeyihiin golaha aqalka hoose iyo sare ee barlamaanka federaalka Soomaaliya.

Horseed Media 2018

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *