Xasan Sheekh Maxamuud: “Dowalddu waa masuuliyad la wada lee yahay” -VIDEO

Published: August 30, 2018

Madaxweynihii hore ee Jamhuuriyadda Federaaliga ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Muqdisho lagu soo dhaweeyey, kadib doorashadii looga guuleystey Feberaayo 2017.

Madaxweynaha waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyey qaar kamid ah Golaha Xukuumadda, oo ay kamid yihiin Wasiirka Qorsheynta Jamaal Xasan iyo Wasiirka Amniga Maxamed Ducaale Islow, qaar kamid ah Xildhibaanada labada aqal iyo siyaasiyiin horey ula soo shaqeysey.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad kooban oo duur-xul u badneyd ka jeediyey munaasabadii soo dhaweynta, waxa uu sheegay “…dowaldnimada sideedaba wax lawada lee yahay waaye wax dad gaar ah uu lee yahay maaha, shalay anagaa joogney maantana dad qiime badan ayaa jooga….” ayuu yiri.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in uu dalka u hiloobey mudadii 18 bilood ee uu ka maqnaa, wuxuu sheegay in aanu carar ku maqneyn dalkana deganaan doono.

Sababta u weyn ee soo noqoshadiisa ayuu ku tilmaamey in uu dadka dhegaeysto, kuwa Muqdisho iyo kuwa goboladaba, si uu uga shaqeeyo Soomaaliya qurxoon.

Waxaa jira warar sheegaya in Madaxweynuhu ku yimid talo iyo qorshe muddo laga soo shaqeynaayey oo culeys lagu saarey, taas oo ay wadaan siyaasiyiin hore iyo kuwo ay soo wada shaqeeyaan, waxaana si weyn hadalkiisa looga fahmi karey hadalo duur-xul ah, oo uu ku cabbiraayo in aan waxba loo dhimin dimoqraadiyadda dalka , iyo in aan boogaha la damqin.

Khudbadda goobta uu ka jeediyey ayaa waxaa si weyn uga dhex muuqdey xubnaha ugu fir-fircoon ee ka soo horjeeda Xukuumadda Raysalwasaare Kheyre, afka xukuumadda waxaa ku hadley Wasiirka Qorsheynta oo amrkii codbaahiyaha loogu yeeray la sheegay in uu Xiniinyo iskabaarey.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *