Barnaamijka Diirada HM oo lagu faaqiday doorashada Puntland 2019-Dhageyso

Published: August 31, 2018

Puntland ayaa bilaha soo aadan galaysa olole doorasho oo balaaran waxaana 14-kii bishan ee August ay xildhibaanada golaha wakiiladu mudeeyeen xiliga ay dhacayso doorashada gudoonka iyo tan madaxweynaha.

Siyaasiyiin iyo musharxiin ka badan 30 ayaaa soo dhaweeyay go’aankaasi ay golaha wakiiladu kasoo saareen qabsoomida doorasha Puntland ee sanada 2019-ka xili ay jirtay hadal hayn la xiriirta mudo kororsi ay sameyso xukuumada iminka talada haysa.

Diiradda Horseed oo ah barnaamij l.agu gorfeeyo siyaasada iyo arimaha gobolka ayaa todobaadkan lagu soo qaatay qabsoomida doorashada Puntland ee sanadda 2019-ka iyo qorshayaashii lagu doortay xukuumadda haatan uu gabaabsiga yahay wakhtigeeda maadama ay la ogaa balanqaadyadii ugu waa weyn xiligii ay ku jirtay ololaha oo balanqaadka ugu weyni uu in Puntland ay ka dhaceyso doorasho qof iyo cod ah sanadka 2019-ka.

Horseed Media 2018

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *