Ganacsatada Soomaalida ee K/Afrika oo kulan la qaatay madaxda safaarada…..

Published: August 31, 2018

Kulan ay xalay magaalada Johanneesburg ku yeesheen Waxgaradka, Ganacsatada Soomaalida iyo Safaarada Soomaaliya ay ku leedahay dalka Koonfur Africa ayaa looga hadlay dhibaatooyinkii ka soo gaaaray ganacsatada Soomaalida Rabshadahii ka dhacay deegaanka Saweto.

Kulankaasi Masuuliyiintii ka qeybgashay oo uu ka mid ahaa Safiirka Soomaalida u fadhiya Dalkaasi Jamaal Maxamed Barrow, ayaa waxaa halkaasi lagu magacaabay guddi ka shaqeeya caawinta dadkii hantidooda lagu boobay iyo sidii loo caawin lahaa.

Ugu dambeyn waxaa la isla gartay inta uu socday Kulanka in la sameeyo goobo la dhigo waxyaabihii laga soo badbaadiyay qolyihii wax boobayay.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *