Somaliya iyo China oo wada gaaray heshiisyo Ganacsi iyo iskaashi – SAWIRO

Published: August 31, 2018

Wafdiga uu hogaaminayo Madaxweynaha dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo safar ku jooga dalka China ayaa kulan la yeeshay Madaxweynaha dalkaasi Xi Jinping iyo Wasiiradiisa.

Madaxweyne Farmaajo ayaa kamid ah Madaxda Afrika ee ka qeyb galaya shirka Madasha Iskaashiga ee Afrika iyo China oo todobaadkan ka dhacaya wadanka Shiinaha.

Kulanka gaarka ah ee dhexmaray Madaxda Soomaaliya iyo China ayaa xoogiisa looga hadlay sidii dib loogu soo celin lahaa xiriirkii horey uga dhaxeeyey labada dal, iyagoo ku heshiiyey xoojinta xiriirka diblumaasi iyo waliba ganacsiga.

Dalka Soomaaliya waa wadankii ugu Horeeyey ee Bariga Afrika ee xiriirka Diblumaasi la sameystay Wadanka China, Qarniyo kahor… ayuu yiri Madaxweynaha China Xi Jinping oo ka hadlayey xiriiradii horey u lahaan jireen Boqortoyooyankii ka jiriray Soomaaliya iyo China.

Labada dhinac ayaa kala saxiixday labo heshiis oo is af-faham ah oo la xariira qodobadii ay ka wadahadleen ee ganacsiga iyo Iskaashiga.

Dalka China ayaa horey mashaariic waaweyn uga fuliyey dalka Soomaaliya, xiligii dowladii ka horeysay dagaalkii sokeeye, waxaana kamid ahaa wadada dheer ee isku xirta gobalada dhexe ee dalka Soomaaliya iyo Stadiumka weyn ee Muqdisho oo ay dowlada sheegtay inay dib u dhisi doonto.

Madaarka magaalada Bosaaso ee Puntland ayaa kamid ah goobaha ay dhistay shirkad laga leeyahay dalka China, waxaa sidoo kale jira heshiisyo horey u dhexmaray maamulka Puntland ee Cabdiweli Gaas iyo shirkadahaasi China oo la xariira dhinaca macdanta iyo kaluumeysiga.

Wadanka China oo ah kan hada leh warshadaha ugu wax soo saar badan ayaa si weyn u baadi goobaya macdanta, batroolka iyo khayraadka kale ee Qaarada Afrika. Waxay xukuumada China sidoo kale dooneysaa in sanadkan 2050 ay noqoto dowlada ugu awooda badan caalamka dhinaca ciidamada Badda, iyadoo hada xiriiro wanaagsan la sameysaneysa dalalka Afrika ee xeebta-leh sida Soomaaliya.

Horseed Media 2018

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *