Dadweynaha Bosaso oo ka hadlay boobka lagu hayo Somalida K/Afrika-Dhageyso

Published: September 1, 2018

Maalmihii ugu dambeeyay waxaa burcad u dhashay Koonfur Afrika ay dhac iyo boob u geysanayeen goobaha ganacsi ee ay leeyihiin ajaaniibta ku dhaqan Koonfur Afrika oo ay Soomaalida ku jiraan.

Baraha Bulshada ayaa lagu arkayay Sawiro muujinaya burcad si wada jir ah u boobaya hantidan iyo Bagaashka ganacsi ee ku xaraysan Dukaamada ay leeyihiin Ganacsato somaali ah gaar ahaan kuwa badankood ganacsiga ku haysta magaalada Suwayta ee dalka Koonfur Africa.

Qaar kamid ah ganacsatada Soomaalida ee ay saameynta ku yeelatay boobka ay burcada Koonfur Afrikaanka ka geysanayaan goobaha ganacsiga ee ku yaala Suweto ayaa qeylo dhaan xoogan usoo diray madaxda dowlada Federaalka Soomaaliya iyagoona ka dalbaday in wax laga qabto boobka iyo handadaada lagu hayo ganacsatadan Soomaaliyeed.

Dadka kunool Boosaaso ayaa hadaba siyaabo kala duwan uga hadlay dhibaatooyinka laga soo sheegayo ganacsatada Soomaaliyeed ee kunool Koonfur Afrika iyagoona la hadlay barnaamijka Subax wanaagsan ee ka baxa idaacada Horseed Media.

Hadaba hoos ka dhageyso warbixin ku saabsan arimahaasi oo dhan

Horseed Media 2018

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *