Gen. Cabdalla Cabdalla oo laga saaray xubinimada NISA

Published: September 1, 2018
Gen Cabdalla Cabdalla

War qoraal ah oo saaka lagu daabacay barta internet-ka ee hay`adda NISA ay ku leedahay Twitter-ka ayaa lagu sheegay in xubinimadii kamid ahaanshaha NISA laga saaray Jeneraal Cabdalla Caballa oo horey u soo noqday taliye ku xigeenka hay`adda Sirdoonka iyo Nabasugidda qaranka ee NISA.

Warka qoraalka ee Kasoo baxay Hay’adda NISA ayaa lagu yiri sidan:

“Kadib waraysi uu bixiyay Gen. Abdalla Abdalla kuna sheegay eedeymo, waxaa loo saaray guddi baara khaladaadka xasaasiga ah ee ka horimaanaya hanaanka shaqo & danaha qaran, waxaana uu gudigu gartay, in uusan Cabdalla u qalmin kasii mid ahaanshaha NISA laguna aamini karin shaqo qaran oo xasaasi ah”.

Xubinimo kala laabashada Cabdalla Cabdalla ee Hay’adda NISA ayaa kusoo aaday xili wareysi u bixiyay Cabdalla Cabdalla uu kaga hadlay arimo badan oo quseeya hay’addan sida isbedelka ku yimid hogaanka ugu sareeya NISA,habka shaqo ee Hay’adda iyo xilka qaadistii dhawaan isaga iyo xubno kale lagu sameeyay.

Horseed Media 2018

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *