Maxay kawada hadleen Farmaajo iyo Madaxda shirkadaha ganacsiga Shiinaha

Published: September 1, 2018

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa la kulmay madaxda shirkadaha ganacsi iyo kuwa dhaqaale ee dalka Shiinaha, kuwaas oo daneynaya in maalgashi ay ku sameystaan Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa soo dhaweysay dhamaan dadka daneynaya in ay maalgashi ku sameystaan Soomaaliya, taasi oo door weyn ka qaadaneysa in hormar la gaaro, islamarkaana degaanka la maalgashado, maadaama ganacsiga Soomaaliya uu yahay mid furan.

Dhinaca kale Zhao Leji oo ah xubin sare oo ka tirsan Guddiga Siyaasadda ee Golaha Dhexe ee Xisbiga Hanti Wadaagga ee Shiinaha, ahna Xoghayaha Guddiga La dagaallanka Musuqa ee Xisbiga ayaa casho sharaf soo dhaweyn ah ugu sameeyay Madaxweyne Farmaajo iyo wafdigiisa Guriga Martida ee Diaoyutai State Guest House ee magaalada Bakiin (Beijing).

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *